Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.

Madaxweyne Erdogan; “Israel waa Dal Argagaxiso ahna Dilaaga Carruurta.

0
SHARE

Madaxweynaha  Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay dalka Israel “Dal Argagaxiso” ahna “DIlaaga carruurta”xilli uu maanta ka hadlayay arrimaha Bariga Dhexe waxaana weli ka soconaya  Daanta Galbeed,Qaza iyo Bariga Qudus isku dhacyo u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo yuhuuda.

Erdogan ayaa sheegay in  wax walba oo ku qasbi kara Trump in uu ka noqdo go’aanka uu toddobaadkii hore gaaray uu sameyn doono.

“Falastiiniyiinta waa dad laga gardaran yahay, Israel waa wadan argagaxiso haa,waa argagaxiso.”ayuu yiri Erdogan. “Ugama hari doono magaalada Qudus wadan carruur laays ah.”ayuu sii raaciyay.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sidoo kale bilaabay dadaalo dhinaca diblumaasiyada ah waxana uu qadka taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron.

Sida laga soo xigtey ilo ku dhow dhow madaxtooyada Turkiga, Erdogan iyo Macron ayaa  isla meel dhigey in go’aanka Trump uu yahay mid welwel ku haysa wadamada gobolka.

Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in Madaxweyne Erdogan uu la hadlay Madaxweynayaasha dalalka Kazakhstan, Lebanon iyo Azerbaijan.

Arbacadii aynu ka soo  gudubnay ayuu Madaxweynaha Turkiga ugu baaqay wadamada Islaamka shir deg-deg ah oo wadanka Turkiga ka dhici doona toddobaadka soo socda.

LEAVE A REPLY