Madxweyne Xaaf oo shegay in Duleedka Gaalkacyo la dajinayo 700 oo askari...

Madxweyne Xaaf oo shegay in Duleedka Gaalkacyo la dajinayo 700 oo askari oo si gaar ah u tababaran

0
SHARE

Mudane Axmed Ducaale Geelle,madaxweynaha Maamulka  Galmudug ayaa sheegay in Ciidamo milateri ah oo ka kooban 700 askari oo hubeysan inay deggi doonaan duulleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo dhowr mar lugu dagaallamay.

Madaxweynaha oo la hadlayay warbaahinta Puntland ayaa tilmaamay in hadda nabadeynta ay ka wadaan Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka mudug  ay tahay mid ka duwan tii hore islamarkaana ay rajeynayaan in ay ku guulareysteen.

“Tani ma fashilmeyso, sababto ah si ficaan ayaa loo qorsheeyay, ciidamma la sameeyay isku dhaf ah , kuwo boolis ah waa la sameeyay kuwo maliteri ah waa la sameeyay,Ciddii tallaabo qaldan qaadda madaxa laga garaacaya”,ayuu yiri Madaxweyne Xaaf.

Shalay waxaa lagu guuleystay in la qaado Jidgooyooyin yaalay Magaaladda Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY