Rag soo xirtay Xijaab & Indha shareer oo weeraray Xarun Waxbarasho, dad...

Rag soo xirtay Xijaab & Indha shareer oo weeraray Xarun Waxbarasho, dad baddana laayey (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Saddex nin oo dumar isu soo ekeysiiyay ayaa weerar ku galay xarunta machad lagu barto beeraha oo ku yaalla Pakistan, halkaasoo ay ku dileen 9 qof, 36 kalane ku dhaawaceen.

Machadkan ayaa lagu magacaabaa Machadka Beeraha ee Peshawar, waxayna ciidanka amaanku sheegeen in ay dileen dhammaan raggii weerarka geystay.

Sideed ka mid ah dadka la dilay waa ardaydii iskuulkan dhiganayay, halka qofka kalena uu yahay qof xafiiska maamulka ka shaqeeya. Weerarka ayaa waxaa sheegtay Talibaanka Pakistan.

“Waan hurdaynay markii aan maqalnay dhawaaqa risaasta, waan toosay, qof kastana waa uu cararay” ayuu yiri mid ka mid ah ardayda.

Arday kale oo weerarka ku dhaawacmay oo lagu magacaabo Ahteshan Ul Xaq ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in kuleejka ay ku sugnaayeen 120 arday oo ka mid 400 arday ee ku hoyata, islamarkaasna dhigata.

Kuleejka ayaa waxa uu ku jirey fasax ciidda mowliidka nabiga awgiis.

Peshawar waxa ay ku taalaa xuduudda Afghanistan ay Pakistan la wadaagto, waxayna bartilmaameed u tahay weerarada noocaan oo kale ah.

LEAVE A REPLY