SAWIRO :France oo Morocco Amaahineysa Lacago ay kusoo iibsadeen Tareen Casri ah.

SAWIRO :France oo Morocco Amaahineysa Lacago ay kusoo iibsadeen Tareen Casri ah.

0
SHARE

Heshiiskaan labo Geeseedko ah waxaa kala saxiixday Dowladaha Morocco iyo France waxaana ku kacaya lacag gaareysa €128,1 milyan oo Yuuro oo amaah ah, si ay u iibsadaan 30 tareenka korontada ku shaqeeya oo casri ah, Dhismaha wadooyinka ay mari lahaayeenne laga howl bilaabay.

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Morocco Mohamed Bu Siciid ayaa heshiiska u saxiixay Dowladda Morocco, waxa ayna kala saxiixdeen Safiirka France u fadhia Morocco.

Safiirka Mareykanka ee Morocco ayaa sheegay in arrintaan ay ka tarjumeyso sida Xukuumadda Paris ay ugu go’an tahay sidii ay u garab istaagi laheyd Wadamo Morocco ay kamid tahay ee doonayo isticmaalka Tareenadaan, oo Deegaanada Kordhinya.

Heshiiska ayaa daba socday heshiisyo hordhac ahaa oo labada dowladood ay kala saxiixdeen bishii November ee sanadkaani, kadib Booqasho uu ku tagay Dalka Morocco Édouard Charles Philippe oo ah Ra’iisul Wasaaraha France.

Labada Dal Madaxdooda ayaa kala saxiixday Heshiisyo ay kamid yihiin:- Hormarinta Maamulka, Dekedaha, Waxbarashada, Cilmi Baarista, Biyaha, Dalxiirka, Shaqada, Dhaqanka iyo wadaagidda wax soo saarka labada dal.

France waxa ay isku dayaysaa in ay dib u mideyso dhaqaalaha labada dal oo xiligaan muujinaya in xiriirkoodu uu sii wanaagsanaanayo.

Morocco ayaa soohdin biyeed la wadaagto Wadanka Spain, waxaana labada dhinac ka dhaxeeyo xiriir, inkastoo haatan ay u muuqato in Xukuumadaha Paris iyo Rabat uu ka wanaagsanaan karo, Xiriirka Spain iyo Morocco.

LEAVE A REPLY