(Sawiro) Ganacsatada Gaalkacyo Ee Galmudug Oo Ka Shiray Nabada Gaalkacyo.

(Sawiro) Ganacsatada Gaalkacyo Ee Galmudug Oo Ka Shiray Nabada Gaalkacyo.

0
SHARE

Kadib kulan ay Hotelka Embassy Ee Magaalada Gaalkacyo ku yeesheen Qaar
ka Mida ganacsatada Gaalkacyo ee Galmudug,ayna Soo Qaban qaabisay
Wasaarada Ganacsiga Iyo Warshadaha Galmudug ayaa Waxaa Sidoo kale Ka
Soo Qayb Galay,Masuuliyin Ka Tirsan Galmudug,Waxgarad,Culimo,Haween
Iyo qeybaha Bulshada ayaa Lagu Gorfeeyay Qaabka Ugu haboon Ee
Ganacsatadu Door Muuqda uga qaadan karto Nabada Magaalada Gaalkacyo.

Shirka oo Saacado Socday ayaa waxaa Halkaa Qudbado Kala Duwan oo
Quseeya Nabada ka Jeediyay Qaar ka Mida Masuuliyintii Iyo Qaybihii
kale ee kulanka Ka Qayb galay,waxayna Dhamaantood Si Isku Mida Diirada
u Saareen Habka Ugu haboon Ee Ganacsatada Reer Gaalkacyo Qayb uga
Noqon Lahayeen taaba galinta nabada Gaalkacyo Maadaama Dhawaan
Shaqaaqoyin Ka Dhacayeen Suuqa Gaalkacyo walow Hada Xal Horu dhaca
Laga Gaaray Arinkaa..

Kulankan ay yeesheen Ganacsatada Gaalkacyo Iyo Masuuliyintu ayaa Qayb
ka Ah Kulamada Ka Soconaya Magaalada Gaalkacyo Ee Xaruunta Gobalka
Mudug Ee la doonayo In Xal waara laga Gaaro Colaadihii ku Soo Noq
noqay jiray Gaalkacyo,Iaydoo Dhawaan Ay Meesha ka baxeen Jig
gooyoyinkii Yaalay Qaar ka Mida Xaafadaha Magaalada, Kadib iskaashi ay
Sameeyeen..Masuuliyinta Maamulada Galmudug Iyo Puntland Iyo
Saraakiisha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Oo uu Hormuud u Ahaa
Taliyaha Ciidanka XDS.S/gaas:C/wali Jaamac Xuseen cabdulle Gorod..Iyo
Masuuliyin Kale oo ka Socotay Dowlada Soomaaliya..

                           HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

 SAWIR QAADE:CALI MAALIN NUUR

LEAVE A REPLY