Sawiro : Professor Abdulkadir Mohamed Shirwac oo lagu soo dhoweeyey Toronto,Canada

Sawiro : Professor Abdulkadir Mohamed Shirwac oo lagu soo dhoweeyey Toronto,Canada

0
SHARE

HM))Xafiiska Austria Waxaa  December 30, 2017 booqosha gaaban ku soo gaaray Canada Prof. Shirwac, waxaana gegeda dayaaradaha ku soo dhoweeyey qaar ka mid ah hogaamiyayaasha jaaliyada Soomaaliyeed ee Toronto.

Prof. Shirwac oo dalka ka hirgeliyey hawlo aad muhiim ugu ah horumarka dalka sida Jaamaca Galkacyo iyo dhismaha wadada isku xirta Galkacyo iyo Hobyo, ayaa ah qof wadani ah oo ku dayasho mudan

Sidoo kale Soo Dhawaynta Gudoomiyaha Gob C/Qaaadir Shirwac  waxa qayb ka ahaa Masuuliyin iyo siyaasiyiin Horay Xilal uga Soo Qabtay Dowlad Gobaleedka galmudug kaa oo uu ka Mid ahaa Wasiirkii Hore ee wasaarada Caafimaadka  Dowlad Gobaleedka Galmudug C/llaahi Hassan Emli Dr Jeemis

Intuu Canada joogo Prof. Shirwac wuxuu warbixino ku saabsan hawlaha horumarinayd ee dalka uu u soo jeedin doonaa bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyin kala duwan sida Toronto, Ottawa iyo Edmonton ugana mahadceliyo kaalinta wayn ee ka qaateen.

Hoos ka Daawo Sawirada 

Xafiiska Wararka Qaarada Yurub ee Austria 

LEAVE A REPLY