Warixin ku saabsan Shir Muhiim ah oo la Qorsheynayo in Ahlusuna iyo...

Warixin ku saabsan Shir Muhiim ah oo la Qorsheynayo in Ahlusuna iyo Galmudug ay ku Yeeshaan Dhuusamareeb

0
SHARE

Maamullada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo Galmudug ayaa isku afgartay in inta ka dhiman wadahadalka maanta ugu soo gaba gaboobay Jabuuti ay ku dhameystiraan Magaalada Dhuusamareeb oo hadda ay maamulaan Ahlu Sunna hayeeshee ah caasimadda rasmiga ah ee Galmudug.

Heshiis Horudhac ah ayey maanta dhinacyadaas ku kala saxiixdeen Magaalada Jabuuti waxaana labada mas’uul ee ugu sarreysa Galmudug iyo Ahlu Sunna qireen in heshiis horudhac ah oo horumar leh ay ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay.

Kaddib markii ay heshiiska saxiixeen ayaa mid kasta ka hadlay waxyaabaha uu qorsheynayo waxaana ay ku gaabsadeen in marka ay dalka dib ugu soo laabtaan Qodobada lagu heshiiyay faahfaahin doonaan.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in dhameystirka heshiiska labada Maamul uu ka dhacayo Magaalada Dhuusamareeb isaga oo xusay in uu ku faraxsan yahay in la soo gaba gabeeyo khilaaf in ka badan 10 Sano u dhaxeeyay labada maamul.

Shirkan ayaa wajigiisii 1aad lagu qabtay Dalka Kenya Magaaladiisa Nairobi,halka wajiga 2aad oo ay fududeyntiisa lahaayeen IGAD iyo dowladda Jabuuti maanta lagu kala saxiixday Magaalada Jabuuti.

LEAVE A REPLY