Wariye caan ah oo xaaskiisa u dilay in aysan soo dhamaystirin...

Wariye caan ah oo xaaskiisa u dilay in aysan soo dhamaystirin gabaatigii ay ka bixisay

0
SHARE

Wariye caan ah oo ka shaqeeya taleefishin ku yaala dalka Hindiya ayaa lagu heley dacwad ah in uu dilay xaaskiisa sanadkii 2000, sababtuna ahayn in ay bixin weysay gabaati.

Dalka Hindiya dumar ayaa raga siiya gabaatiga marka ay isguursanayaan.

Suhaib Ilyasi ayaa waxa uu daadihiye ka ahaa barnaamij looga hadlayo dambiyada dhaca, wuxuuna xiligaas sheegay in xaaskiisa Anju Ilyasi ay iyadu is dishay.

Balse baaritaan la sameeyay ayaa lagu ogaaday in jirdil xooggan uu u geystay gabadha, si reerkooda uu uga helo lacag badan oo gabaati ah.

Catarka ubaxa laga sameeyo ee Hindiya

Geerida Anju ayaa waxaa loo heystay markii hore qof isaga is dilay, balse hooyadeed ayaa codsatay in la baaro Ilyasu.

In gabaatiga ay dumarka bixiyaan ayaa ahaa sharci daro dalka Hindiya laga soo bilaabo sanadkii 1961-dii, balse wali waa arrin bulshada ay ku dhaqanto.

Boqolaal dumar ah ayaa sanad kasta lagu dilaa Hindiya, waxaana dila qoysaska ragga guursaday, sababtuna tahay maadaamaa ay keeni waayeen gabaati fiican.

LEAVE A REPLY