Wasaaradda gaashaandhiga US oo malaayiin doolar ku bixisay barnaamij sir ah

Wasaaradda gaashaandhiga US oo malaayiin doolar ku bixisay barnaamij sir ah

0
SHARE

Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa qiratay inay ku bixisay lacag gaareysa malaayiin doolar barnaamij sir ah, si baaritaan loogu sameeyo oo loo garto cida iska leh diyaarado aan la garan heybtooda.

Tiro aad u yar oo saraakiisha wasaaradda ah ayaa ka war hayay barnaamijkan oo billowday sanadkii 2007, kaasi oo haatan la sheegayo in lasoo afjaray sanadkii 2012.

Wargeyska New York Times ayaa qoray in howlgalkaan uu bilaabay toban sano ka hor senetka lagu magacaabo Harry Reid, kadibna uu sii waday barnaamjka senetka kale ee gobolka Nevada.

Waraaqo laga helay barnaamijka sirta ayaa muujiyay waxyaabo diyaarado u muuqaal eg oo si xowli ah ugu dul soconaya circa iyo kuwa ku wareegsanaya oo aan loo jeedin.

Saynisyahanda ayaa cadeeyay in muuqaalada aanan la garaneyn asyan daliil u ahayn waxa gaaray agagaaraha xidigaha.

Madaxa barnaamijkan Harry Rei, oo ka jawaabayay warbixinta lagu daabacay wargeyska New York Times ayaa bartiisa tuweeterka soo dhigay in waxa halkaas lagu qoray aysan run ahayn, baaritaankuna uu la xiriiray arrimo salka ku hayay seyniska iyo ammniga qaran.

LEAVE A REPLY