Xog : Ciidankii Weeraray Guriga C.Qaybdiid oo Hal meel la isugu geyay...

Xog : Ciidankii Weeraray Guriga C.Qaybdiid oo Hal meel la isugu geyay , iyo Xubnaha Aqalka Sare oo si kulul uga hadlay weerarkii lagu qaaday hoyga C/qaybdiid

0
SHARE

Ciidamadii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Guriga Senator C/qaybdiid ayaa waxa ay ku xiran yihiin Xabsiga Baarista ee Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya ku leedahay Madaxtooyadda.

Saraakiil ka tirsan Nabad Suggida Soomaaliya ayaa inoo sheegay in ciidankaan baaris ay ku socoto, islamarkaana xalay ay ku hoyden xarunta Dambi Baarista Ciidanka NISA ee Madaxtooyada ku taal, si halkaasi loogu wareysto.

Ciidamada xiran ayaa tiradooda waxa ay gaaraysa 42 askari oo laba ka mid ah yihiin Saraakiishii horkaceysay hawlgalkii lagu galay hoyga C/qaybdiid ee ku yaallo Degmada Hodan.

Illaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay ciidanka galay guriga C/qaybdiid, laakiin qaar ka mid ah askarta oo siyaabo kala duwan loo wareystay ayaa sheegayay inay ku qaldoomeen hoyga C/qaybdiid.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in la baaro sababta ciidankan ka tirsan Militariga Somaliya qaybta ay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen guriga C/qaybdiid.

Ciidamadan galay guriga C/qaybdiid oo ka tirsan kuwa ay tababaraan Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay u tababaran yihiin kumaandooska oo kale, waxaana ay qaataan mushaar ahaan dhaqaale fiican, iyaga oo fuliyay weerarada qorsheysan.

 

Dhanka  kale Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee dalka, ayaa maanta kulankoodii ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay kaga hadleen weerarkii shalay ciidamo la sheegay inay tababaraan Imaaraadka Carabta ay ku galeen hoyga C/qaybdiid.

Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi ay ku kaceen ciidamada, waxaana ay sheegeen in arintaan ay u baaha tahay isla xisaabtan dhab ah.

Golaha Aqalka Sare Xildhibaanadooda, ayaa sheegay arintaan in wax laga waydiin doono Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka iyo Wasiirka amniga Somaliya.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa aragti mideysan oo cambaareyn ah ka jeediyay falkaasi shalay dhacay, waxayna sheegeen muhiim inay tahay in la qaato masuuliyadda falka dhacay.

Ciidamo gaaraya 42 askari ayaa u xiran weerarkii shalay lagu qaaday hoyga C/qaybdiid ee Magaalada Muqdisho, kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu amray in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo falkaasi.

Dhamaadka sanadkan 2017-ka ayaa waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin siyaasadeed oo weli hadal haynteeda dalka ay ka taagan tahay.

LEAVE A REPLY