XOG Xildhibaan London kula Kulmay odaayasha Duduble si Maamulka Galmudug Buuq iyo...

XOG Xildhibaan London kula Kulmay odaayasha Duduble si Maamulka Galmudug Buuq iyo jaah Wareer loogu furo kadibse Maxa dhacay?

0
SHARE

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) oo kamid ah Xildhibaanada aqalka sare ayaa ku fashilmay ololo xoogan oo uu ku doonayey in lagu kala gooyo Maamulka Galmudug oo ay ku midoobeen dhawr beel oo dagto Gobolada Dhexe.

Xildhibaan Dhagey oo kulan xasaasi ah kula yeeshay Magaalada London odayaal ka tirsan Beesha Duduble ayaa usoo bandhigay qorsho lagu kala qeybinayo Maamulkaas.

Dhagey ayaa Duduble usoo bandhigay Maamul lagu mideenayo Beelaha Duduble Murusade iyo Waceysle isla markaasna meesha looga saarayo Beesha Habargidir.

Qorshaha Dhagey ayaa ka dhigan in Galmudug loo dhaafo beelaha Habargidir isla markaasna maamul kale oo ka gooni ah loo sameeyo seddexdaas Beel.

Odayaashii Duduble ee uu qorshahaas u bandhigay ayaa si weyn uga hor imaaday, waxayna u sheegeen inay Beesha Duduble waligeed wax la qeybsan jirtay Habargidir isla markaasna aysan hadda diyaar u aheyn inay isaga baxaan. Waxaana uu Dhagey goobta kala tagay waji xumo.

Mid kamid ah odayaashii ka qeybgalay kulankaas ayaa tilmaamay inay Odayaasha dhan la yaabeen qorshaha uu wado Dhagey, waxayna ku tilmaameen inuu yahay nin aan marnaba dooneyn in la mideeyo Maamulka Galmudug.

” Wuxuu odayaasha usoo bandhigay in maamulka Galmudug la kala qeybiyo isla markaasna ay Beesha Duduble joojiso wax la qeybsiga Beesha Habargidir, waana ka hor imaanay dhammaanteen” ayuu yiri mid kamid ah odayaashii ka qeyb galay oo diiday in magaciisa lagu xuso warbixintaan.

” wuxuu ahaa qoshahaas mid aan dan ugu jirin Galmudug iyo Beesha Duduble, si cad ayaana ugu sheegnay inuu joojiyo tallaabadaas, sidoo kalana waxaa isaga ku eedeenay inuusan Beeshiisa waxba u qaban intii uu xilkaas hayey, tallaabadaana waxay aheyd mid la yaab ku noqotay Beesha oo dhan” ayuu sii raaciyey.

Sidoo kale xogta aan heleyno ayaa sheegeyso inuu Ugaas Dhagey qorshahaan usoo bandhigay Beesha Mareexaan, balse arrintaas wuu ku guuldareystay kadib markii ay beeshaas u cuntami weysay qorshaha uu Dhagey wado.

Xildhibaan Dhagey ayaa beesha Duduble waxay ku eedeeyaan inuusan waligiis wax u qaban tan iyo markii uu xilkaas qabtay, waxaana la aaminsan yahay inuu kursigaas danihiisa ugu adeego halkii uu Beesha wax ugu qaban lahaa.

Ugu dambeyntii Dhagey oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska ayaa la dhibtoonayo in loo cusbooneysiiyo sharcigiisa Ingiriiska kadib markii ay dacwad ka gudbiyeen Beesha Duduble oo ku eedeeyey inuu dhibaato badan ka geystay Beesha dhexdeeda

LEAVE A REPLY