Adeegsiga Taleefanka iphone ka oo cilad ay ku soo Baxday iyo...

Adeegsiga Taleefanka iphone ka oo cilad ay ku soo Baxday iyo wadanada yurub qaarkood oo baraya

0
SHARE

Dacwad oogeyaasha Faransiiska ayaa billaabay baaritaan ku aadan “curyaaminta la sii qorsheeyay” ee lagu sameeyay taleefannada iphone-ka ee ay samayso shirkadda Apple.

Dalka Faransiiska waxaa sharci darro ka ah in la yareeyo cimriga waxyaabaha la soo saaro iyadoo ujeedadu tahay in macaamiishu ay gataan kuwo cusub.

Bishii Diseembar ayay shirkadda Apple qiratay in ay cuslaysay qaabka ay u shaqeeyaan taleefoonnadeeda sii duqoobaya iyadoo dadka u soo dirtay software.

Laakiin shirkaddu waxay ku adkaysatay in tayada baytariyadu ay xumaanayeen marka mudo dheer la adeegsado.

Baaritaanka Faransiiska waxaa hoggaaminaya wasaaradda dhaqaalaha.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ka mid ah macaashiimada badan ee Faransiiska ah ee iphone isticmaala                           Lahaanshaha sawirkaAFP
Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ka mid ah macaashiimada badan ee Faransiiska ah ee iphone isticmaala

Waxayna arrintani dabo socotaa cabasho ay bishii Deseembar soo gudbisay koox la dhoho Hop.

Hop waxay sheegtay in Faransiisku uu yahay dalkii saddexaad ee baaritaan ku sameeya Apple, balse uu yahay dalkii koobaad ee dambi ku tilmaamama arrinta Apple loo haysto.

LEAVE A REPLY