Akhriso Qorshaha Farmaajo uu kaga Dan lahaa in Xaaf iyo Gaas Soo...

Akhriso Qorshaha Farmaajo uu kaga Dan lahaa in Xaaf iyo Gaas Soo Dhawayntiisa Hal Meel uu isugu Keeno >

0
SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jira socdaalka Nabada ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug,halkaasi oo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo shacab fara badan si weyn ugu soo dhoweeyeen.

Soo dhoweynta oo ahayd mid heer sare ah ayaa waxyaabaha sida gaarka ah dadka u hadal hayaan waxay tahay Labada madaxweynaha ee Xaaf iyo Gaas oo hareera socda madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa qeyb ka ah Wafdiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee gaaray magaalada Gaalkacyo,waxaana Arrintaan ay keentay in dad  badan su’aalo iska weydiiyaan.

Magaalada Gaalkacyo oo labo u qeybsan Waqooyi iyo Bari ayaa waxaa ka kala Aramiya labada maamul ee Galmudug iyo Puntland Balse Qorshaha aya waxa uu  yahay in saxaafada laga gado muqaalo ka turjumaya in madaxweynaha si wadajir ah  loo soo dhaweyay

LEAVE A REPLY