Badmaaxe u dhashay Hindiya oo lagu la’yahay Soomaaliya

Badmaaxe u dhashay Hindiya oo lagu la’yahay Soomaaliya

0
SHARE

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in Badmaaxe lagu magacaabo Bharath Nagendra Manikanta, lagu la’yahay biyaha Soomaaliya,kaas oo xiriirka qoyskiisa ugu war dambeysay 16kii Bishan Januray.

Waxaa uu 11kii November 2017 ku biiray shaqaalaha Markabka M V T ee Dalka Tanzania,kadib markii uu qaatay 9 bilood oo tababar Dhinaca badda la xiriira.

Xog ay Qoyskiisu ku sheegeen in ay heleen Bishii December ee 2017 ayey sheegeen in 25kii December uu Markaba uu la socday Matoorka uga qallibmay biyaha Soomaaliya.

Qof ka mid ah shaqaalaha Markabka oo farriin u diray Qoyska laguna magacaabo Shiva ayaa sheegay in Mr Bharathmarkii uu shaqada dhameystay 16kii January uu galay qolkiisa Markabka,sidoo kalena uusan dib u soo laaban.

Waxaa uu xusay in maalintii xigtay ee 17kii january laga raadiyay qolkiisa uu ka degganaa Markabka lana jebiyay hayeeshee laga waayay,taas oo ilaa hadda ay la yaabanyihiin shaqaalaha Markabka.

Amjed Ullah Khan,ayaa warqad u qoray Guddiga arrimaha dibadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya,taas oo uu ku sheegayo in Ninkan la la’yahay waxaana Warqad lagu soo celiyay lagu sheegay in lala wadaagay Safaaradda Hindiya ee Nairobi Kenya taas oo iyadana raadineysa halka uu Soomaaliya kaga suganyahay Markabka.

November 10, 2017,Madaxda Markanka  Ethihad Shipping LLC sii warqad uu Mr  Bharath Nagendra Mankikan kaga safrayay Hyderabad kuna socday  Dubai si uu ugu biiro Markabka M V Taif .

LEAVE A REPLY