Boqorka Beelaha Daarood oo la sheegay in uu waan-waan ka dhax-bilaabay khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda iyo qaar ka mid ah Siyaasiinta Mucaaradka

Warar ay heshay HM  ayaa sheegaya in Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf oo ah Boqorka Beelaha Daarood uu bilaabay kulamo wax looga qabanayo Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah siyaasiinta Mucaaradka ah.

Warar ka ayaa sheegaya in kulamada dhacay ay ahaayeen wadahadal telephone ah oo ka bilaawday Magaalada Muqdisho sida la sheegay, Boqorka ayaa Telephone kula hadlay Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka oo laga soo doortay Puntland iyo dad la sheegay in uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi.

Madaxweynaha iyo Xildhibaano taageersan oo laga soo doortay Puntland ayaa la sheegay in Boqorka ay uga hadleen Xaaladaha amniga, Siyaasadda, iyo dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana si gaar ah loogu war-giliyay dhibaato ka heysata Mucaaradka.

Dadka loo gudbiyay Boqor Burhaan Waxaa ka mid ah Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan magaalada Abu-Dubia ee Dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Mas’uuliyiin ka ag-dhaw labada dhinaca ayaa HM u sheegay in Boqor Burhaan uu Telephone kula hadlay Senator Cumar C/rashiid Ra’iisal Wasaarihii ee Soomaaliya wadahadalkaasi oo lay sugu soo noq noqday muddo Labo maalmood ah sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.

Boqorka burhaan oo ah Boqorka Beelaha Daarood oo hadlkiisa ay aad u qiimeeyaan siyaasiinta iyo Guud ahaan dadka uu hogaamiyo ayaa la sheegay in Cumar C/rashiid uu ku amray joojinta siyaasadda mucaaradka ah ee ku wajahan Madaxtooyada Soomaaliya, sidoo kale Cumar C/rashiid ayaa laga dalbaday in uu ka soo Guuro Dalka Imaaraadka joojiyana xairiir la sheegay in uu la leeyahay Imaaraadka carabta oo saameyn balaaralan ku leh Siyaasadda Soomaaliya.

Sidoo kale Boqor Burhaan ayaa arinta Soomaaliya kala hadlay Madaxweynaha Puntland C-wali Maxamed Cali “Gaas” iyo Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Senator C/raxmaan faroole, waxa uuna ka dalbaday in la taageero Dowladda Madaxweyne Farmaajo lana joojiyo dhamaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara siyaasadda Dowladda.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in Culumaa’udiin Taageersan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan magaalada Muqdisho, qaar ka mid ah waxgaradka Muqdisho ay Boqorka ka dalbadayn in uu yimaado Muqdisho, waxaana kadib la filaya in la Iclaamiyo kulan ay u dhan yihiin dhamaan Waxgaradka Soomaaliyeed.

Cumar C/rashiid Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ka mid ah siyaasiinta ka aragti Duwan hay’adda Fulinta Soomaaliya, waxa uuna dhowr jeer ee uu warbaahinta ka hadlay aad u dhaliilyay Madaxda Dowladda, sidoo kale Cumar C/rashiid ayaa ka mid ah Mas’uuliyiinta muddooyinkii dambe ku badnaa joogintaan Dalka isu tagga Imaaraadka carabta oo la sheegay in Soomaaliya ay faragilin ku heyso Siyaasadda Soomaaliya.


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Dhageyso Go,aankii Odayaasha beesha Reer Xaaji salemaan iyo Sababta ay Cadaado uga Mamnuuceen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf
- Jan 19, 2018
Waxgaradka Beelaha ka soo jeeda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa wax ay soo ...
Boqolaal dumar ah oo ‘qaaday uur’ been abuur ah
- Jan 19, 2018
Booliiska dalka Guinea ayaa xabsiga u taxaabay haweenay la sheegay in ay dawo dhireed ...
Dhageyso Farmaajo oo ciidamo ku sugna dhuusamareb lagu warejiyay , Dhageyso Codadka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir iyo Taliyaha Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod
- Jan 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ...
Beesha Cadaado oo Go’aan Culus soo saaray (Xaaf oo laga mamnuucay Degaanadeeda -AKHRISO QORAAL)
- Jan 19, 2018
Beesha Cadaado ayaa soo saartay Caawa go’aano adag oo ay ka qaadatay madaxweynaha Galmudug ...
Midowga Galmudug & Ahlu suna Maxaase Xigi doona?
- Jan 19, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu ...
Daawo Sawirada Galmudug iyo Ahlusuna oo midoobay iyo Calanka Galmudug oo la Suray Caasimada Galmudug ee Dhuusa-mareeb
- Jan 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu ...
Dhagesyo:-Madaxwaynaha Soomaliya oo Qudbad qiiro leh ujeediyay Ciidamadii kaxoreeyay alshabaab Gobolada dhexe.
- Jan 18, 2018
Madaxweyne Farmajo ayaa hadalkaan sheegay xili uu Maanta kormeer ku tegay Xerada 21,aad ee ...
DEG DEG Dhageyso:-Banaanbax Ka Dhan Ah Shirka Dhuusamareeb Oo Ka Dhacay Cadaado
- Jan 18, 2018
yada ooDuhurnimadii Arbacada Maanta uu Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmay shirka dhmeystirka heshiiskii ay ...
Ergeyga Qaramada Midoobey Ee Arrimaha Soomaaliya Iyo Madax Kale Oo Gaartay Dhuusa Mareeb
- Jan 18, 2018
Magaalada dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxa weli ku sii qul qulaya wufuud ...
Shirka Dhameystirka Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlusunna Oo Dhuusamareeb Ka Furmay
- Jan 18, 2018
Maanta waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka furmay shirka dhameystirka heshiiskii Galmudug ...
Dhageyso Qudbadii Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Konfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka Jediyay Dhuusamareb markii Si Heer Sare ah loogu so Dhaweyay
- Jan 18, 2018
iyadoo magaalada  Dhuusamareb ay ku soo Qul Qulayan Wafuud kala duwan aya wafdi uu ...
Dhageyso Qudbadii Madaxweynaha Puntland uu jeediyay Marki uu dhusamareb ka dagay””Magaladaydii Cdina marti ugu ma ihi”
- Jan 18, 2018
Madaxweynaha Mamaul Gobaleedka Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo aya soo Gaaray Magaalada Casimada u ...
Akhriso : Maxuu Jawaab u aha Safarkii Farmajo ee Galmudug mise Siyaasiyiinta Habargidir aya wali culus iyo cadaadis ku haya Xogta Daahsoon
- Jan 18, 2018
Intii uusan bilaaban socdaalkiisa horaantii bishaan, dad badan ayaa aaminsanaa inuusan fiicneyn cilaaqaadka madaxweyne ...
Xog :Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee beelaha H/Gidir oo loo diray Cadaado Kadib Goaankii beesha Saleeman
- Jan 18, 2018
Kadib shirar is daba joog ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb waxaa wafdi ka ...
Go,aankii Odayaasha Beesha Reer Xaji Saleeman ee Cadaado oo keenay in dib loo dhigo Shirkii Dhuusamareeb iyo farmajo oo ku jahwarersan xaalka Maxaa soo kordhay?
- Jan 17, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay ...
 
Advertisements