Daawo Sawirada Qab ka Mida Ciidamada Ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo la soo...

Daawo Sawirada Qab ka Mida Ciidamada Ilaalada Madaxweyne Farmaajo oo la soo bandhigay iyadoo Tababar la Siinayo

0
SHARE

G/dhexe Cumar C/raxmaan Abuukar oo ka mid ah Saraakiisha Sare ee Ururka 60aad ee Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka warbixiyey Cutubyo ka tirsan Ururkaasi oo tababar uu uga socdo Xarunta Villa Soomaaliya, kuwaasi oo la rajeynayo in dhowaan loo soo xiro tababarka.

Col Cumar C/raxmaan, ayaa sheegay in Ciidanka Tababarka uu usocda maanta ay qaateen Cashar ku saabsan Adkeysiga qofka, islamarkaana ay mareen socod dheer oo lug ah, gaarayana 30 km oo wareeg ah, taasi oo sheegay in looga gol leeyahay in Askariga uu noqdo mid u adkeeysta Haraadka, Baahida iyo Daalka.

“Waxaan rabaa inaan warbixin idinka siiyo tababarka ka socda Madaxtooyada, Ciidankan aad arkeysiin ee tababarka qadanaya waxay gaarayaan 130 askari, waxay tababarka soo wadeen sedexda bilood, ciidankan waxay saaka soo mareen 30-km oo wareeg ah oo ah isla gudaha meesha uu tababarka ka socdo, waxaan ugu tala galnay inay bartaan adkeysiga”ayuu yiri Col Cumar C/raxmaan.

Dowladda uu hoggaaminayo Madaxwene Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo heli lahaa Ciidan Qaran oo tayo leh si ammaanka guud ee Dalka ugala wareegaan Ciidamada AMISOM.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Ciidamada Tababarka ku jira.

 

LEAVE A REPLY