Daawo Sawirada Sheekh Maxamed Shaakir madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Odayaal oo...

Daawo Sawirada Sheekh Maxamed Shaakir madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Odayaal oo Xabsiga Dhuusamareb ka sii Dayay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey).

0
SHARE

Kadib markii ciidamo ka tirsan Maamulka Magaalada Dhuusamareeb xabsi guri ay ka dhigeen Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa banaan ee dalka Xaliimo Ismaaciil, ayaa maanta kulan raali gelin waxaa ugu tagay madaxa Xukuumadda Galmudug.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Odayaal ka soo jeeda deegaanka ayaa kulan ugu tagay guri Magaalada Dhuusamareeb ay ka degan tahay Xaliimo Yarey.

Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa sheegay inay ka xun yihiin qaladka lagu xiray Gudoomiyaha Guddiga Doorashada madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey).

Waxa uu soo dhaweeyay tallaabada ay ugu gogol xaareyso nidaamka doorasho ee dalka sanadka 2021 ee ah qof iyo cod.

Xaliimo Yarey ayaa aqbashay in looga soo hoyday qaladkii ay ku xanibeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana ay ku koobeen dhaqdhaqaaqeeda Magaalada Dhuusamareeb iyo inaysan guriga ka bixi karin.

LEAVE A REPLY