Daawo Sawirada Wadooyinkii u Danbeyay ee ku xirmay Dagaaladii gaalkacyo oo Maanta...

Daawo Sawirada Wadooyinkii u Danbeyay ee ku xirmay Dagaaladii gaalkacyo oo Maanta dib loo furay

0
SHARE

Gaalkacyo ayaa Mudoyinkii dambe waxaa ka socday Kulmo nabadeed oo ay wadeen madaxda Galmudug iyo Puntland kuwasi oo into badan looga wada hadlayay sidii shacabka walalaha ee ku nool Gaalkacyo ay nabadda ugu wada noolan lahayeen meeshan looga saari lahaa wixii Colaada ah oo horay u dhacay .

Shacabka Reer Gaalkacyo ayaa hadda u muuqda kuwa aad u fahmay nabadda qiimaha ay leeydahay iyo in aysan shacabka marnaba kala guuri doonin madama ay arkeen halka ay colaada dhigtay magalada Gaalkacyo oo ku caan ah soomalinimada islmarkana ay ka soo jeeda Hogaamiyaal Magac iyo Maamus ku leh Dhulka Soomalida.
Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas oo ay wehlinayan Sarakiil ka Tirsan Ciidamada Xooga Dalka Soomaliyeed iyo Madax ka Tirsan Galmudug iyo Puntland ayaa manta ku guuleystay in ay qaadaan Dhufeysyo horay Suuqa Gaalkacyo ay ugu sameysteen Dhinacyadii Halkaasi ku dagaalmay.

Gaas ayaa sheegay in Maanta wixii ka dambeya Aan la arki Karin Wadooyin kale oo xiran isagoona ku amaray Laamaha Amaanka in ay ka wax ka qabtan cid kasto oo dhibaata ku ah Nabdda iyo Xasilinta Gobolka Mudug

Gaalkacyo Nabdda iyo Homar ayaa laga dareemayaa intii u soo gurmatay Alle kheyr ha idinka siiyo

 

LEAVE A REPLY