Dhageyso:-Afhayeenka al Shabaab Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Isku Dhiibitaankii Dowladda...

Dhageyso:-Afhayeenka al Shabaab Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Isku Dhiibitaankii Dowladda Ee Muqtaar Rooboow

0
SHARE

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo soo diray fariin Maqal ah  ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay mowqifka Shabaab ee Wadaadka Muqtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo hadda dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay wadahadalna kula jira.

Cali Dheere ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Wadaadka Muqtaar Rooboow uu ka dhaxeeyay khilaaf mudo soo jiray kaas oo ku saabsan xagga caqiiqada.

Waxa uu sheegay in arrinta khilaafkooda dhalisay ay markii hore sababtay in uu taageero siiyay Hay’addaha Gargaarka ee howlaha Samafalka ka fuliya Soomaaliya balse ay Shabaab ay siweyn u diidan yihiin isaga oo sheegay in kulamo qarsoodi ah uu la qaadanayay.

Sidoo kale Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in Muqtaar Rooboow uu gacan weyn siinayay Dowladaha Shisheeye oo ay Al-Shabaab u arkaan cadawga Soomaaliya isaga oo isku dayay in uu laba u kala qeybiyo Shabaab sida uu sheegay Afhayenka Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso Codka Cali Dheere Afhayeenka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY