Dhageyso Awaamiir Deg Deg ah oo lagu soo Rogay Degmada Dhuusa Mareeb

Dhageyso Awaamiir Deg Deg ah oo lagu soo Rogay Degmada Dhuusa Mareeb

0
SHARE

Ammarkan ayaa waxa uu ka soo baxay taliska Guud ee ciidamada Booliiska degmada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud kaas oo ay sheegeen in amniga lagu xaqiijinayo.

Taliyaha Ciidamada Booliiska degmada Dhuusa Mareeb Gen, Cabdiwahaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ibraahim ayaa Milkiilayasha Hoteelada ku amray in ay diiwaangeliyaan dadka seexanaya hoteeladooda si loo hubiyo in uu yahay qof amniga wax u dhimaya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkii arka dad ay ka shakiyaan in ay ku soo wargeliyaan laamaha amniga si wax looga qabto.

Ugu dambeyn waxa uu sidoo kale ugu baaqay dad wata Gaadiidka Muraayadaha Madow ama Benzalka in ay Gawaaridooda ka fujiyaan isaga oo digniin u diray.

Hoos Ka Dhageyso Warbixin ay soo dirtay Wariyaheena Gobolada Dhexe Maryan Cali Mire.

 

LEAVE A REPLY