Dhageyso Madaxda ugu Saraysa Galmudug oo isku raacay go,aan dowlada somaliya ku...

Dhageyso Madaxda ugu Saraysa Galmudug oo isku raacay go,aan dowlada somaliya ku wajahan kadib weerarkii guriga c/qaybdiid

0
SHARE

Maamulka Galmudug ayaa fal sharci daro ah ku tilmaamay weerarkii maalin kahor lagu qaaday hoyga Muqdisho uu ka degan yahay Senetor Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), kadib kulan shalay ay yeesheen Golaha Wasiirada Galmudug.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Galmudug C/raxmaan Heeloos ayaa sheegay Golaha Wasiirada Galmudug in ay dalbadeen in baaris dheeraad ah lagu sameeyo falkii lagu weeraray Cabdi Qeybdiid, wuxuuna tilmaamay in Dowladda ay ugu baaqayaan in si deg deg ah falkan looga jawaabo.

Waxaa falkaasi loo xirey ilaa 41 Askari iyo saraakiil, kuwaasi oo loo haysto in ay ku lug leeyihiin weerarkaasi, waxaana ku socda baaritaano.

LEAVE A REPLY