Dowlada Somaliya oo Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur ka a Mamnuucday In Uu...

Dowlada Somaliya oo Siyaasiga C/Raxmaan Cabdi Shakuur ka a Mamnuucday In Uu Dalka Ka baxo

0
SHARE

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa burisay go’aankii uu garsooraha maxkamadda gobolka Banaadir uu ka gaaray dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin go’aankii maxkamaddaasi oo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur sida ay BBC-da u sheegeen ilo ku dhaw dhaw maxkamadda racfaanka.

Maxkamadda racfaanka oo maanta u fariisatay dacwadda loo haysto siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa go’aan ku gaartay in xeer ilaalinta qaranka loo fasaxo baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa.

Sidoo kale maxakamadda racfaanku waxay safarada ka mamnuucday siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka dacwadda loo haysto.

Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qareen oo ay sheegtay inay diideen inay difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.

Shan kamid ah waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyo inay bixiyaan lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Sedexda qareen ee kale iyana waxa lagu xukumay inay bixiyaan ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo qareeno u doodaya midna ma soo xaadirin fadhigii maxakamadda oo aan sidoo kale loo ogoleyn warbaahinta.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.