Hay’adda Save the Children ee Qaramada Midoobey oo joojisay shaqadeeda Afghanistan...

Hay’adda Save the Children ee Qaramada Midoobey oo joojisay shaqadeeda Afghanistan kaddib markii la weeraray xarunteeda ugu weyn  dalkaasi.

0
SHARE

Hay’adda Save the Children ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Carruurta ayaa sheegtay in ay hakad gelisay shaqadeeda dalka Afghanistan kaddib markii maanta la weeraray xarunteeda ugu weyn  dalkaasi.

Save waxaa ay sheegtay in shaqadeeda Afghanistan ay joojisay ilaa ay ka heliyaan qaab nabadeed oo ay shaqadooda dib ugu amba qaadi karaan.

Ugu yaraan 2 Qof oo mid Boolis yahay iyo qof shacab ah ayaa dhintay halka labo ka mid ah Raggii weerarka qaaday ay ku dhinteen xarunta Hay’adda ee Magaalada Jalalabad oo maanta ay weerareen Ururka Daacish.

Barta wararka u faafisay Daacish ee Acmaaq ayaa sheegtay in ay weerartay hay’ad ay leeyihiin dowladaha Ingiriiska iyo Sweden oo ay sheegeen in ay gaaleysiin faafinayeen.

LEAVE A REPLY