Ingiriiska oo ku faanay in Ciidamo uu tababaray ay Al-shabaab ka saareen...

Ingiriiska oo ku faanay in Ciidamo uu tababaray ay Al-shabaab ka saareen G.Baay ,Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska oo daabcay warbixin xasaasi ah

0
SHARE

Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa Dalka Ingiriiska oo xiganaya Saraakiil ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada Ingiriisku tababaray ay howlfiican ka hayaan Soomaaliya.

Wargeyska ayaa maanta daabacay in Ciidamo uu tababaray Ingiriiska fadhigooduna yahay degaanka Goofguduud ee Gobolka Baay,ay dhawaan Al-shabaab dagaal kala kulmeen.

C/Nuur Cabdi Maxamed oo ka mid ah Ciidamada Dowladda ee Goofguduud,ayaa u sheegay Wargeyska The Telegraph in Ciidamada Al-shabaab ay qabsadeen Goofguduud weerarkii 16kii Bishan January ee 2018ka.

Intaas kaddib Maxamed oo ka mid ah Ciidamada dowladda ee tababarka ka helay Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee uu ka midka ahaa ay markii hore ka baxeen degaankaas hayeeshee dib isu urursadeen.

Waxaa uu xusay in weerar celis ay ku qaadeen degaankii lagala wareegay ay Al-shbaaab uga dileen 20 Nin oo ay ka midyihiin Taliyihii Ciidamadaas watay iyo ku xigeenkiisii.

Dowladda Ingiriiska waxaa ay ka mid tahay Waddamada kaalmada dhinaca amaanka ah siiya Dowladda Soomaaliya waxaana Ciidamadeeda jooga gudaha Soomaaliya lagu qiyaasaa 70 Askari oo u badan tababarayaal iyo lataliyayaal dhinacca Amaanka ah.

Sidoo kale Ingiriisku waxaa ay qeyb ka yihiin Waddamada AMISOM ka taageera dhinaca Tababarrada Ciidamada sida dhaqanka,howlgallada iyo amaanka.

Waxaa kale oo ay Dowladda Ingiriiska xubin ka tahay howlgalka Midowga Yurub ee la dagaallanka Burcad Badeedda Soomaaliya ee ka socda Xeebaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY