“Jihaadka jaceylka” oo Hindiya ku soo badanaya

Haweeney u dhalatay Hindiya oo haysata diinta Hinduga ayaa is dishay ka dib markii handadaad ay kala kulantay saaxiibtinimada nin Muslim ah oo ku nool gobolka Karnakata ee koonfurta dalkaasi, sida booliska ay sheegeen.

Qof ay garaneyso ayey WhatsApp ugu sheegtay in ay Muslimiinta jeceshahay ka dib markii su’aal laga weydiiyay ninka ay saaxiibka la noqotay.

Booliska waxay sheegeen in farriintaasi lagu baahiyay baraha bulshada.

Dhowaanahan, Hindiya waxaa ka dhacayay rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo Hinduga kuwaas oo ka dhashay waxa loogu yeeray “jihaadka jaceylka”.

Shan nin oo ka tirsan Hinduga xagjirka ah ayaa sabtidii tagay guriga haweeneyda waxayna u digeen waalidkeeda, sidaasi waxaa xaqiijiyay booliska. Gabdha oo 20 jir ahayd ayaa isla maalintaa is dishay.

Booliska waxay markii hore diiwaan geliyeen in gabadha ay iskeed isu dishay, balse markii ay ogaadeen doorka baraha bulshada ay ku lahaayeen dhimashadeeda ayey baaritaanka ballaariyeen.

K Annamalai, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan booliska degmada Chikkamagaluru, wuxuu BBC-da u sheegay in haweeneyda ay ka tagtay farriinta sharaxeysa in ay is dishay.

“Waxay soo hadal qaaday in sawir uu ka hayo nin diin kale haysta. Dadka waxay billaabeen in ay fikrado ka dhiibtaan ayna weeraraan dabcigeeda,” ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray in ay is dishay ka dib markii shan nin ay booqdeen gurigeeda “ayna hooyadeed u sheegeen in gabadheeda ay nin Muslim ah jeceshahay.”

Sidoo kale wuxuu sheegay in booliska ay xireen hal qof ayna weli raadinayaan kuwa kale.

Weriyaha BBC Hindi, Imran Qureshi, oo arkay farriinta, wuxuu sheegay in farriimihii WhatsApp-keeda si degdeg ah ay ugu faafeen degmada oo dhan.

Qoraalka wuxuu dhigayaan iyadoo lagula talinayo in aysan “saaxiib” la noqon karin nin diin kale haysta. Balse waxay iyadu ku jawaabtay: “waan jeclahay Muslimiinta.”

Waxay intaa ku dartay in aysan khalad u arkin in “saaxiib lala noqdo” dadka kale ee diimaha kale haysta.

Annamalai wuxuu sheegay “qof kastoo gabadha ku canaantay waxa ay sameysay, ha ahaato Facebook ama WhatsApp, in la xiri doono”.

“Waxaan aaminsan nahay in taasi ay tahay xadgudub sababay in nafta qof dhallinyaro ah ay go’do. Waxaan kiiskan u qaadaneynaa si dhab ah sababtoo ah ma ahayn khalad ay iyadu sameysay,” ayuu yiri sarkaalka booliska


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Dhageyso Go,aankii Odayaasha beesha Reer Xaaji salemaan iyo Sababta ay Cadaado uga Mamnuuceen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf
- Jan 19, 2018
Waxgaradka Beelaha ka soo jeeda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa wax ay soo ...
Boqolaal dumar ah oo ‘qaaday uur’ been abuur ah
- Jan 19, 2018
Booliiska dalka Guinea ayaa xabsiga u taxaabay haweenay la sheegay in ay dawo dhireed ...
Dhageyso Farmaajo oo ciidamo ku sugna dhuusamareb lagu warejiyay , Dhageyso Codadka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir iyo Taliyaha Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod
- Jan 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ...
Beesha Cadaado oo Go’aan Culus soo saaray (Xaaf oo laga mamnuucay Degaanadeeda -AKHRISO QORAAL)
- Jan 19, 2018
Beesha Cadaado ayaa soo saartay Caawa go’aano adag oo ay ka qaadatay madaxweynaha Galmudug ...
Midowga Galmudug & Ahlu suna Maxaase Xigi doona?
- Jan 19, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu ...
Daawo Sawirada Galmudug iyo Ahlusuna oo midoobay iyo Calanka Galmudug oo la Suray Caasimada Galmudug ee Dhuusa-mareeb
- Jan 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu ...
Dhagesyo:-Madaxwaynaha Soomaliya oo Qudbad qiiro leh ujeediyay Ciidamadii kaxoreeyay alshabaab Gobolada dhexe.
- Jan 18, 2018
Madaxweyne Farmajo ayaa hadalkaan sheegay xili uu Maanta kormeer ku tegay Xerada 21,aad ee ...
DEG DEG Dhageyso:-Banaanbax Ka Dhan Ah Shirka Dhuusamareeb Oo Ka Dhacay Cadaado
- Jan 18, 2018
yada ooDuhurnimadii Arbacada Maanta uu Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmay shirka dhmeystirka heshiiskii ay ...
Ergeyga Qaramada Midoobey Ee Arrimaha Soomaaliya Iyo Madax Kale Oo Gaartay Dhuusa Mareeb
- Jan 18, 2018
Magaalada dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxa weli ku sii qul qulaya wufuud ...
Shirka Dhameystirka Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlusunna Oo Dhuusamareeb Ka Furmay
- Jan 18, 2018
Maanta waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka furmay shirka dhameystirka heshiiskii Galmudug ...
Dhageyso Qudbadii Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Konfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka Jediyay Dhuusamareb markii Si Heer Sare ah loogu so Dhaweyay
- Jan 18, 2018
iyadoo magaalada  Dhuusamareb ay ku soo Qul Qulayan Wafuud kala duwan aya wafdi uu ...
Dhageyso Qudbadii Madaxweynaha Puntland uu jeediyay Marki uu dhusamareb ka dagay””Magaladaydii Cdina marti ugu ma ihi”
- Jan 18, 2018
Madaxweynaha Mamaul Gobaleedka Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo aya soo Gaaray Magaalada Casimada u ...
Akhriso : Maxuu Jawaab u aha Safarkii Farmajo ee Galmudug mise Siyaasiyiinta Habargidir aya wali culus iyo cadaadis ku haya Xogta Daahsoon
- Jan 18, 2018
Intii uusan bilaaban socdaalkiisa horaantii bishaan, dad badan ayaa aaminsanaa inuusan fiicneyn cilaaqaadka madaxweyne ...
Xog :Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee beelaha H/Gidir oo loo diray Cadaado Kadib Goaankii beesha Saleeman
- Jan 18, 2018
Kadib shirar is daba joog ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb waxaa wafdi ka ...
Go,aankii Odayaasha Beesha Reer Xaji Saleeman ee Cadaado oo keenay in dib loo dhigo Shirkii Dhuusamareeb iyo farmajo oo ku jahwarersan xaalka Maxaa soo kordhay?
- Jan 17, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay ...
 
Advertisements