Ku Dhawaad 1,500 qof Kalluumeysatada Hobyo oo Shaqadoodii u joojiyey Dhibaatooyin ay kala kulmaan Ciidamada NATO.

Kalluumeysatadaan ayaa ku shaqo waayey dhibaatooyin ay kala kulmeen Ciidamada NATO ee Xeebaha Soomaaliya u joogo la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida.

Doomi Kalluumeysi sharci darro ah ka wada Xeebaha Soomaaliya ayee sheegeen Kalluumeysatada in Kalluunka ay soo Jilaabtaan ay kasiiyaan.

Waxaa intaa dheer in ay Biyo ku fureen kolka ay kusoo dhawaadaan Doomaha ay wataan Kalluumeysatada Soomaalida, Maraakiibta askarta NATO.

Ku dhawaad 1,500 qof oo ka Kalluumeysanaye Xeebaha Hobyo kuwa ka agdhaw ee Gobolka Mudug ayaa soo food-saartay Shaqo la’aan kadib markii Agabkoodii la bur-buriyey, halka qaarkoodne ay cabsi soo wajahday.

Cismaan Cabdi Shire Waxa uu Howsha Kalluumeysiga ku jiray 17-sano, Waxa uu sheegay in gudaha Badda ay u gali jireen in ka badan 100-Mile, balse Maanta 1-Mile aysan ugu tallaabi karin Xeebaha Mudug.

Cismaan ayaa sheegay in Gacantiisa Midig ay jabiyeen biyo awood ku socda oo looga soo furay Mid kamid ah Maraakiibta Nato, waxa uuna Tilmaamay in ay jiraan dad ay isla Jallaabanayeen ay waxyeelo kala duwan gaartay.

“Maalin waliba waxaan Kalluumeysiga ka heli jiray $10, waxaan ku maareynaye Qoyskeyga oo ka kooban 10-qof, Shaqo la’aanta isoo food-saaray awgii, ma helo waxyaabo aan ku mareeyo nolosha qoyskeyga oo aan u shaqeynaye 17-sano” ayuu Cismaan Cabdi Shire oo kamid ah Kalluumeysatada shaqo la’aanta ku heysta Degmada Hobyo.

Ciidamada NATO ayaa Xeebaha Soomaaliya u joojo la dagaalanka Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida, oo Marar badan Qafaashay Maraakiib iyo Doomo u badan kuwa Ganacsi.

Waxaase NATO lagu xantaa in Doomo Kalluumeysi ay u safaxaaan Jillaabeysiga Kalluunka dhex Ceegaga Xeebaha Soomaaliya, iyagoona kahor istaagga Kalluumeysatada Soomaalida.

Si lamid ah waxaa jira Dhalinyaro badan oo ay u qab-qabtaan in ay katirsan yihiin ama ay ku tuhmayaan Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, qaarne ay jirdilo u geystaan, waloow marka dambe ay dib usoo daayaan.


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Dhageyso Go,aankii Odayaasha beesha Reer Xaaji salemaan iyo Sababta ay Cadaado uga Mamnuuceen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf
- Jan 19, 2018
Waxgaradka Beelaha ka soo jeeda Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa wax ay soo ...
Boqolaal dumar ah oo ‘qaaday uur’ been abuur ah
- Jan 19, 2018
Booliiska dalka Guinea ayaa xabsiga u taxaabay haweenay la sheegay in ay dawo dhireed ...
Dhageyso Farmaajo oo ciidamo ku sugna dhuusamareb lagu warejiyay , Dhageyso Codadka Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir iyo Taliyaha Xoogga dalka Cabduweli Jaamac Gorod
- Jan 19, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta booqday Xerada taliska qeybta 21-aad ...
Beesha Cadaado oo Go’aan Culus soo saaray (Xaaf oo laga mamnuucay Degaanadeeda -AKHRISO QORAAL)
- Jan 19, 2018
Beesha Cadaado ayaa soo saartay Caawa go’aano adag oo ay ka qaadatay madaxweynaha Galmudug ...
Midowga Galmudug & Ahlu suna Maxaase Xigi doona?
- Jan 19, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu ...
Daawo Sawirada Galmudug iyo Ahlusuna oo midoobay iyo Calanka Galmudug oo la Suray Caasimada Galmudug ee Dhuusa-mareeb
- Jan 18, 2018
Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirweyne lagu ...
Dhagesyo:-Madaxwaynaha Soomaliya oo Qudbad qiiro leh ujeediyay Ciidamadii kaxoreeyay alshabaab Gobolada dhexe.
- Jan 18, 2018
Madaxweyne Farmajo ayaa hadalkaan sheegay xili uu Maanta kormeer ku tegay Xerada 21,aad ee ...
DEG DEG Dhageyso:-Banaanbax Ka Dhan Ah Shirka Dhuusamareeb Oo Ka Dhacay Cadaado
- Jan 18, 2018
yada ooDuhurnimadii Arbacada Maanta uu Magaalada Dhuusamareeb uu ka furmay shirka dhmeystirka heshiiskii ay ...
Ergeyga Qaramada Midoobey Ee Arrimaha Soomaaliya Iyo Madax Kale Oo Gaartay Dhuusa Mareeb
- Jan 18, 2018
Magaalada dhuusa Mareeb ee Xarunta gobolka Galgaduud waxa weli ku sii qul qulaya wufuud ...
Shirka Dhameystirka Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlusunna Oo Dhuusamareeb Ka Furmay
- Jan 18, 2018
Maanta waxaa Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug ka furmay shirka dhameystirka heshiiskii Galmudug ...
Dhageyso Qudbadii Madaxweynaha Dowlad Gobaledka Konfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ka Jediyay Dhuusamareb markii Si Heer Sare ah loogu so Dhaweyay
- Jan 18, 2018
iyadoo magaalada  Dhuusamareb ay ku soo Qul Qulayan Wafuud kala duwan aya wafdi uu ...
Dhageyso Qudbadii Madaxweynaha Puntland uu jeediyay Marki uu dhusamareb ka dagay””Magaladaydii Cdina marti ugu ma ihi”
- Jan 18, 2018
Madaxweynaha Mamaul Gobaleedka Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo aya soo Gaaray Magaalada Casimada u ...
Akhriso : Maxuu Jawaab u aha Safarkii Farmajo ee Galmudug mise Siyaasiyiinta Habargidir aya wali culus iyo cadaadis ku haya Xogta Daahsoon
- Jan 18, 2018
Intii uusan bilaaban socdaalkiisa horaantii bishaan, dad badan ayaa aaminsanaa inuusan fiicneyn cilaaqaadka madaxweyne ...
Xog :Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal ee beelaha H/Gidir oo loo diray Cadaado Kadib Goaankii beesha Saleeman
- Jan 18, 2018
Kadib shirar is daba joog ah oo ka dhacay magaalada Dhuusamareeb waxaa wafdi ka ...
Go,aankii Odayaasha Beesha Reer Xaji Saleeman ee Cadaado oo keenay in dib loo dhigo Shirkii Dhuusamareeb iyo farmajo oo ku jahwarersan xaalka Maxaa soo kordhay?
- Jan 17, 2018
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo la sheegay ...
 
Advertisements