Warbixin Safarkii Farmaajo ee Galmudug , iyo waxa Xigi Doona Falcelis...

Warbixin Safarkii Farmaajo ee Galmudug , iyo waxa Xigi Doona Falcelis ahaan

0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 7-dii bishan January Muqdisho uga ambabaxay safar uu ku soo maray Gobolada Puntland iyo Galmudug, safarka Madaxweynaha ayaa qaatay mudo ku siman 16 maalmood, wuxuuna booqashadiisa inta badan ku bixiyay degaanada Galmudug.

Dhanka soo dhaweynta Madaxweynaha eeGalmudug

Galmudug ayaa si aad ah uga diyaar garoobay soo dhaweynta Madaxweynaha waxaana maamul walba uu ku xisaabtamayay inuu noqdo maamulka qaato kaalinta soo dhaweynta, Wasiiro, Xildhibaano, oo ka kala tirsan Dowladda Federaalka oo ka soo kala jeedao Galmudug iyo kuwa maamulada ayaa ka qeyb qaadanayay soo dhaweynta Madaxweynaha.

Sidoo kale dadweyne aad u fara badan oo  Galmdudug ka soo kala jeeda ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay dhammaan degaanada uu booqashada ku tagay, dadka Farmaajo soo dhaweynayay inta badan waxa ay wateen sawirka Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha, iyaga oo banaanka hore ee magaalooyinka uga hortagayay wafdiga Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa inta uu booqashadiisa ku guda jiray waxaa qado sharaf iyo casho sharaf loogu sameynayay beeraha iyo meelaha jawigooda degan yahay, iyada labada maamul ay gudoonsiiyeen Madaxweynaha abaalmarino kala duwan

Dhanka Ammaanka

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Kaafi Guduuda, iyo kuwa Galmudug  aya amniga sugayay oo maamul walba booqashadiisa uu ammaankiisa suganayay ayaa si aad ah u adkeeyay ammaanka, Ciidamada ayaana kahor tagay arbushaad dhacda inta lagu guda jiray safarka Madaxweynaha.

Waxaa jirtay in Ciidamo ka tirsan Galmudug ay waxyeelo gaarsiiyeen wariyeyaal ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo oo ay ku eedeeyeen in ay tabiyeen warar ka soo horjeeda safarka Madaxweynaha, Ciidamada Galmudug ayaa xiray Wariye Hanad Cabdi Faarax oo ahaa Agaasimaha Idaacadda Codka Mudug, inkastoo maalmo kadib ay soo daayeen, Madaxweynaha waxaa magaalada Muqdisho ka raacay wariyeyaal.

Booqashada Madaxweynaha ee dhanka Galmudug

Madaxweyne Farmaajo oo 14-kii January booqasho ay uga bilaabatay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo e Galmduug ayaa isaga iyo Madfaxweynaha Galmudug waxa ay si wada jir ah u dhagax dhigeen dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo wadada isku Xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehlinayo Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.

15-kii January wafdiga Madaxweynaha ayaa gaaray magaalada Cadaado waxa uuna ka soo ambabaxay magaalada Gaalkacyo, iyadoona ay si weyn u soo dhaweyeen shacabka ku nool Saddex Higlo, Bandiiradley, Ceel Akhwaan, Dagaari iyo Gelinsoor kuwaas oo marin u ah jidka dheer ee isku xira Gobollada Mudug iyo Gal-guduud.

16-kii January Madaxweynaha ayaa gaaray magaalada Dhuusa-mareeb oo Cadaado ujirta 77-KM, wuxuuna sii maray degaano u dhaxeeya labadaas magaalo oo shacab weyne fara badan ay isugu soo baxeen.

Madaxweynaha ayaa Dhuusa-mareeb 18-kii January uga qeyb galay Munaasabada midowga Galmudug, waxaana intaas kadib Madaxweynaha oo booqday xerada 21-aad ee Ciidanka xoogga dalka Ahlusuna ay Madaxweynaha ku wareejisay Guuto ka tirsaa Ciidanka Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna.

19-kii January Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Guri-ceel ee Gobolka Galgaduud, kadib waxa uu uga sii gudbay magaalada Caabud-waaq.

22-kii January Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

23-kii January Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf oo markale ku soo noqday Cadaado oo Caabud-waaq ujirta 86-KM ayaa ku dhawaaqay in Cadaado noqonayso Xarunta Barlamaanka Galmudug, Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo, ayaa wuxuu dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado oo dib u dayactir ballaaran lagu sameyn doono.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo socdaalkooda ku soo qatimay magaalada Hobyo shalay ayaa halkaasi gaaray, kadib Diyaarad ay ka soo raaceen magaalada Cadaado oo Hobyo ujirta 326-KM.

Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay dhismaha Dekedda Hobyo iyo waddo laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Hobyo, Cadaado iyo Caabudwaaq.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigey dhismaha garoomada diyaaradaha ee magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado. Halka uu dhagax dhigey Xabsi Dhexe oo laga hirgelinayo deegaanka Bangeelle oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galguduud.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna safarkiisa la xiriiray Nabadda iyo Dib u heshiisiinta.

LEAVE A REPLY