Wargeyska Le Monde ee ka soo baxa dalka Faransiiska oo Bogiisa...

Wargeyska Le Monde ee ka soo baxa dalka Faransiiska oo Bogiisa Hore ku Daabacay Xog Culus oo ku Saabsan in Shiinaha uu qalab wax basaasa ku rakibay Xarunta midowga Afrika ee Adis Aababa

0
SHARE

Wargeyska Le Monde ee ka soo baxa dalka Faransiiska, ayaa qoray warbixin uu kaga hadlayo fadeexadda ay dowladda Shiinaha ku kacday, taas oo ah in xarrunta midowga Afrika ee sal-dhigiisu yahay magaaladda Adis Aababa ee dalka Itoobiya ku rakibtay ama ay dhigtay qalab ay kuu basaasto shirarka ay madaxdu afrikaantu ku yeelato halkaa.

Xarrunta cusub ee Afrikaanka, ayaa waxaa muddo haatan laga joogo 6 sanno dhisay Shiinaha, oo hadiyad ahaan u siiyey madaxda qaaradda  Africa , hase ahaatee waxaa muuqata sida warbixintu tibaaxeeyso in ay halkaas dhigtay qalab u soo gudbiya waxyaabbaha ay madaxdu afrikaantu kaga hadlaan.

Mas’uul ka gaabsaday magaciisa inuu shaaciyo ayaa wargeyska u sheegay in hoolka shirka ka dhaco ay ka dareemeen waxyaabo ka yaabiyey taas oo ah dhawaaq cajiib ah oo  ka dhex guuxeeysa markasta mkiroofanada yaala hoolka xilliga habbeenkii ilaa oogta waaberi iyadoo aaney joogin goobta wufuud shirar u fadhisa. Mas’uulkan ayaa sidoo kale sheegay in heleen qalabkan wax lugu basaaso ee qaarkood ku rakibnaa gidaaradda hoolka shirarka iyo xafiiska kaaliyaha xoghayaha guud ee urrurka.

Ugu dambeyntiina halkaas ayaa waxaa tagay bishii julay ee sanadkii hore afar qubaro xagga ammanka ah oo u dhashay Aljeeriya, kuwaas gebi ahaanba badalay mikroonafadii iyo qalabbkii horey u yiilay lana wareegay sugita ammanka xogta la iskugu gudbinayo IT-ga iyo xarrunta guud ahaan. Balse mas’uulkan wuxuu farta ku fiiqay ineey weli ugu dhago nugul yihiin falka oo lugu bartilmeedsanayo

 

Hoos Riix Warbixinta Wargeyska oo ku Qoran Luqada Faransiiska 

LEAVE A REPLY