Weerar Dad ay Ku Wax yelobeen oo ka Dhacay...

Weerar Dad ay Ku Wax yelobeen oo ka Dhacay Xaafada Husby ee Waqooyiga Magaalada Stockholm ee Caasimada Sweden

0
SHARE

Abaaro 00:07 am ee Caawa waxaa xaafada Husby ee Waqooyiga Stockholm lagu dhaawacay labo qof sida ay sheegayaan booliska magaalada,

Dhaawaca ayaa yimid kadib markii labada qof lagu weeraray mindi ama toorey taasi oo keentay dhaawaca sida uu sheegay afayeen u hadlay booliska,

Jens Mårtensson, ayaa sheegay in aysan aqoon waxa ka danbeeyay iskudayga dilka ee loo geessan lahaa labada qof hase yeeshee waxa uu sheegay in ay wadaan baaritaan,

labada qof mid kamid ah ayaa loo qaaday dhanka isbitaalka halka midka kale dhaawiciisa uu ahaa mid fudud waxaana bilowday baaritaanka ku aadan cida ka danbeesay arintaasi,

Xaafada Husby ayaa kamid ah xaafada ku yaalla dhanka waqooyiga ee Stockholm kuwaasi oo ka dhacaan weerarada ku aadan kooxaha Gangiska ah ee daroogada ka ganacsada,

Lasoco wixii ku soo kordha

LEAVE A REPLY