Xog cusub oo laga helay xariga  Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale...

Xog cusub oo laga helay xariga  Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale & Sayid Cali,Hotelka lagala baxay & halka lala aaday iyo Warar kale oo Soo Shaac baxay

0
SHARE

HM))Xafiiska Muqdisho Faah faahino dheeraad ah ka soo baxaya xariga loo geystay Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Daahir Gutaale iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Sayidcali Macalin Cabdulle.

Ciidamo ka tirsan Nabada Sugida iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA),ayaa Labada mas’uul ka watay Hotel Maka Almukarama oo ay ku sugnaayeen,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in mas’uuliyiinta loo kaxeeyay Xarunta Taliska Nabad sugida iyo Guriga Habar Khadiija.

Lama oga sababaha loo xiray, hase ahaatee waxaa lala xiriirinayaa inay daba socoto xarigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo 17-kii December ee sanadkii hore, markii Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ay ku weerareen gurigiisa.

Sawirka Labada Shaqsi ee Maanta la Xiray

Lahaanshaha Sawirka iyo Xaquuqdiisa Tvga HCTV

Xisbiga Wadajir ayaa dhowaan Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ka dacweeyay Kusimaha Taliyaha Nabadsugida iyo labo Sarkaal oo kale, iyagoo ku eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii Guriga C/raxmaan C/shakuur.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan weerar ku qaaday Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur,kaasi oo si weyn u mucaaradsanaa Dowladda madaxweyne Farmaajo.

XOGTII U DANBEYSAY

Ciidamada Ammanka Soomaaliya ayaa goordhow siidaayay Gudoomiyaha Xisbiga Wadjir Kamaal Guutaale iyo Xoghayaha Xisbigaas.

Labadaan Masuuliyiin ayaa Goordhow waxaa Ciidamada Amniga ay ka soo xireen  Hoteel ay ku jireen oo ku yaalla Wadada Maka Almukarama.

Ilo Wreedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Hobyomedia.co  u  xaqiijiyay in xurriyadooda ay dib u heleen Kamaal guutaale oo ahaa Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo Xogheyaha Xisbigaas Sayid Cali Cabdulle.

LEAVE A REPLY