291; Qaxooti Yemeniyiin ah ayaa gaaray Soomaaliya Kadib Dagaalo Culus oo Wali...

291; Qaxooti Yemeniyiin ah ayaa gaaray Soomaaliya Kadib Dagaalo Culus oo Wali ka Soconaya Yamen

0
SHARE

Magaalooyin ka tirsan dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaa gaaray Dad Yemen u dhashay kuwaas oo ka cararay colaadda ka socota dalkooda,gaar ahaan Koofurta Dalka Yemen oo ay ku dagaallamayaan Ciidamada Dowladda ay beesha Caalamka taageerto iyo Ciidamada ay taageerto Dowladda Imaaraadka Carabta.

Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Puntland, Maxamed Cali Nuur ayaa sheegay in Magaalooyinka kala ah; Boosaaso,Qandala,Bareedda.Xaabo,Baar-Gaal iyo Caluuula ay ka soo dageen dad Yemeniyiin ah oo ka soo qaxay dalkooda Yemen.

Agaasimahaya ayaa sheegay in Sanadkii la soo dhaafay ee 2017 ay Puntland gaareen 4,478  oo qof oo Yemeyiniin ah,kuwaas oo ka baxsanayay colaadda ka aloosan dalkooda.

Puntland iyo Somaliland waxaa ay ka midyihiin meelaha ka midka ah Soomaaliya ee ay Yemeniyiinta ku soo qaxeen,waxaana sidoo kale ay joogaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY