Akhriso Caqabado dib u dhac ku Keeni Kara Dhismaha Dakada Hobyo, Hadii...

Akhriso Caqabado dib u dhac ku Keeni Kara Dhismaha Dakada Hobyo, Hadii an Wax laga Qaban

0
SHARE

HM_Xafiiska Austria Tan iyo Markii ay Soo Shaac Baxday in Dib u dhis lagu bilaabayo Dakada Qadiimiga ah ee Hobyo ayaa waxa jira talooyin kala duwan oo loo jeedinayo Madaxda Mamul Gobaleedka Galmudug iyo Dowlada Fadaraalka Soomaliya taasi oo ku adan in wax badan laga qabto arimo badan oo ka horeeya dib u bilaabadida dhismaha dakada magaalad hobyo.

Dhgax dhigii Madaxweyne Farmaajo ee Dakada Magaalada Hobyo kadib waxaa Magaaladasi tagay ajaanib farabadan oo ka soo jeeda Wadanka Shiinaha kuwaasi oo ka socday shirkado la qorsheynayo in ay bilaaban dhismaha  dakada magaalada hobyo waxana sidoo kale magaaldasi  gaaray Wafdi aad u  farabadan oo ka socday dowlada soomaliya iyo maamulk Galmudug kuwaasi oo qayb ka aha wafdi heer caalami ah oo indho indheenayay  meesha ugu haboon ee dhismaha dakada magaalda hobyo.

Hadaba Maxa la isku afgartay kadib markii ay shirkada dhismaha dakada bilabaysa ay hobyo tagta

Marki ay hobyo Tageen shirkada iyo wafdigii ka socday dowalda somaliya iyo Maamulka galmudug ,Ugu Horeen waxa qiimaym wayn lagu sameyay halka uu  madaxweynaha u dhagax dhigay iyo sida ay macquul ugu noqon karto  halkaasi in hawusha dhismaha dakada laga bilaabo , waxana  ugu danbeyn la isku afgartay in goobtoo madaxweyne farmajo uu dhagax dhigay laga bilaabo dhismaha dakada hobyo.

 

Kadib Maxaa xigi doona 

Sida la Qorsheyo injineero heer calami ah oo iyaguna shirkadaasi ka tirsan aya soomaliya ku soo wajahan dhawaan sida ay hobyomedia.com u xaqijiyeen  ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tisan xafiiska Madaxweyne Xaaf inkastoo aan la Shaacinin xiliga rasmiga ah ee ay imanayan injinerada ka socda Shirkadaasi,

 

Caqbad ka hor iman karta dhismaha dakada hobyo hadii aan talabo aysan qadin  Galmudug iyo dowlada dhexe

Sida aan la wada socono magaalada xarardheere oo ana sidaasi uga fogeen magaalada hobyo waxa mudo ka badan sanado maamulayay oo ilaa iyo hadaba maamulaya maleeeshiyada ururka argagaxisada al shabab oo fariisimaha ugu wayn ka dhigtay magalada xarardheere oo qiyaastii in ku dhaw  4 saac  loo kala socdo Xarardheere iyo hobyo.

Su,aasha is waydiinta Mudan waxa ay tahay macquul ma  noqon karta in dhismaha dakada la bilaabo iyadoo aan laga xoreyn shabab magaalda xarardheere 

Mar  hadii ay Bilaabanayso dhisma dakadeed waxa laga maar maan ah in hawusha  ay galan injineero iyo shirkado ajaanib ah madama aysan jirin awood shirkad soomaliyeed oo qaban karta dhisme dakadeed iyadoo taasi ay jirto  waa in muhimada 1aad ugu horeyn dowlada soomaliya iyo maamulk galmudug ay siiyan in xarardheer shabab laga xoreyeo hadii ay tahay in dakada hobyo la dhiso madama ay caqabad wayn ku noqon karan dhismaha dakada hobyo kooxda maleeshiyada alshabab.

Xeel dheereyaal iyo siyaasiyiin ku taqasusay arimaha amaanka aya madaxweyne  xaaf  kula talinaya in awood malatari shabab looga saro xarardheere ka hor  dhismaha dakada hobyo iyadoo gacan wayn la waydiisanayo ciidamada xooga dalka si loo meel mariyo heshiisyadii dowlada dhexe iyo madaxda maamul gobaleedyada ka oo dhigayay in si wadajjir la isaga gacan siiyo  la dagaalanka maleeshiyada ururka argagaxisada ee al- shabab.

 Dakada Hobyo in ay dhisanta waxa ay tan wayn ugu jirta bulshada soomaliyeed  gaar ahan bulshada gobalada dhexe oo munaafacaad badan ka Heli Doona.

Hobyomedia. com Xafiiska Austria  

Ku Xirnaw hobyo si aad daqiiad walba ula socoto waxa calamka ka dhacaya

LEAVE A REPLY