Akhriso Dowlada Sweden oo Dhaqan Galisay Sharci Cusub oo Sameynaya Dadka isticmaala...

Akhriso Dowlada Sweden oo Dhaqan Galisay Sharci Cusub oo Sameynaya Dadka isticmaala Mobile kooda Xiliga….

0
SHARE

Waddada ayaa laga yaabaa inaad gaari ku sii waddo saaka oo uu telefoonku kuu soo dhaco. Hase yeeshee laga bilaabo saaka waxaa la xaaraantimeeyey oo ganaax laga dhigey haddii aad mobaaylka la soo baxdo oo aad ka jawaabto adiga oo gacanta ku haya gaarigana wada.

Carl Zeidlitz oo ammaanka waddooyinka u qaabilsan ururka gaadiidleeyda ayaa sheegay inuu xeerkani dhambaal wanaag-san u yahay bulshada.

-Waxaa muuqatay in muhiimad loo arkay dhibaatadan. Dareewallada ayaa sidoo kale ka fekri doona dhowr jeer maadaama ey og-soon yihiin iney ganaax mudan karaan.

Ma waxaa la mamnuucay in mobaaylka lagu hadlo kolka gaari a wado?

May, waad ku hadli kartaa mobaaylka haddii aadan gacanta ku hayn.

Ma inaan gaariga joojiyaa si aan telefoon u diro?

Khasab maahan. Laakiin maadaama ay masuuliyadda ku saaran tahay darawal ahaan iyo sida aad mobaaylkaaga u isticmaasho waa waajib inaad kaxeeynta gaarigaaga ka dhigto ammaan. Tusaale ahaan waxaad isticmaali kartaa adeegga telefoonka ee codka lagu hago matalan kolka aad cid waceeyso.

Sidee buu boliisku ku hubsan doonaa in sharcigaa loo hoggaan-samo?

Boliisku wuxuu eegi doonaa habka aad gaariga u wado, haddii uu tusaale ahaan gaarigu aannu si toos ah u socon oo uu leexleexdo oo uu halis ku yahay ammaanka waddooyinka. Haddii ay muuqato in markaa aad isticmaalaysay waxaa lagugu xukumi doonaa ganaax.

Xigasho Radio Sverige

LEAVE A REPLY