Akhriso Magaca iyo Qabiilka uu ka Soo Jeedo Ninkii ka Danbeyay Qaraxyadii...

Akhriso Magaca iyo Qabiilka uu ka Soo Jeedo Ninkii ka Danbeyay Qaraxyadii Muqdisho Dhawan ka dhacayay iyo kooxda shabab oo soo bandhigtay

0
SHARE

Al Shabaab ayaa baahisay Wareysi laga qaaday ninkii fuliyay weerar ismiidaamin ah oo labo habeen kahor ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Doorbin oo kuyaala meel ku dhaw Xarunta Hay’ada Nabad sugida Qaranka.

Ninka fuliyay weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay afaafka hore ee Hotelka Doorbin ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure oo kasoo jeeda Beesha Mareexaan.

Waxa uu ku sheegay Wareysi uu ninkan bixiyay in uu ku faraxsan yahay fulimta weerarka ismiidaaminta ah uu sheegay in uu la beegsanayo cadowga Islaamka, waxa uuna fariin u diray dagaalyahanada kale ee kooxda Al Shabaab.

Weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo katirsan Hotelka Dorbn waxaa ku dhintay dad ka badnaa 20-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY