Akhriso Xubno ka Tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya oo Arimo Muhiim ah u...

Akhriso Xubno ka Tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaliya oo Arimo Muhiim ah u Joogay Galmudug Maxaa u Qabsoomay

0
SHARE

Wadahadaladaan Dib u heshiisiinta ah ee lagu dhex dhexaadinayo Dhinacayada  Beeloku dagaalamay  Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa  Garwadeen ka ah Dowladda Dhexe ee Soomaaliya  oo uu ku matalayo La taliyaha Madaxweeynaha  ee Dhinaca diinta,  iyaddoo Maamulka  Galmudug  oo door weyn ku leh  wadahadaladaasi ay uga qayb galeen Wasiirka Dastuurka iyo  wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo  dowladaha  hoose .

Waxaa  lagu  Guulaystay in Gogol nabadeed  loo Fidiyo  waxgaradka  iyo odayaasha Beelahii ay  xiisadu u dhaxaysay,  iyaddoo la isku afgartay in wadahadal  lagu  xaliyo  xiisada,  islamarkaana la dhaqangaliyo dadaalada Nabadda  ee Bulshada  labada Dhinac .

Sheekh abuubakar  bashiir cabdulaahi,  La taliyaha Madaxaweeynaha ee dhinaca diinta,  ayaa   sheegay  in  Deegaan  u dhaxeeya  Caabudwaaq   iyo cadaado oo ka Tagaanayd xiisad  beeleed  u dhaxaysa dadka deegaanka   ay ku guulaysteen inay xaliyaan,  iyaddoo Dadaalo  lagu dhamaystirayo nabadaynta  Beelahaasi  ay ka bilaabmen    Magaaladda  Cadaado,   La  taliyaha ayaa  intaa ku daray    inay  kulan  ay u qabteen   odayaasha iyo waxgaradka Labada dhinac  ee  Dagaalamay .

Maamulka Galmudug,  ayaa  dadaaladaasi nabadeed door ku lahaa  Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha  Gudaha iyo Dowladaha  hoose  ee Galmudug, Cumar maxamad  diiriye Guureeye,  ayaa   boggaadiyay  Dadaaladii socdaalka Nabadda ee Madaxweynaha Soomaaliya uu Ku maray Degaanada Maamulkaasi  Gaar ahaan Dhagaxdhigga, mashaariic horumarineed  oo  hirgalinteeda ay ka socdaan   Magaalada hobyo.

Cumar  maxamad diiriye,   ayaa  intaa ku  daray in kulankii Maanta la isku afgartay  in  Dhammaan Deegaanada  Miyiga ah oo ku soo  noqnoqdeen xiisadaha  ka dhashay  dhul daaqsin  ay odayaasha iyo waxgaradka Deegaanku ku baxaan, si  xal Nabadeed looga Gaaro oo kama danbays ah  waxii ka danbeeyana Gogol nabadeed oo lagu soo afjarayo xisadahaasi  loo qabto  Golaha  Guurtida Deegaanada ay  dirirtu ka dhacday  ee Caabudwaaq iyo Cadaado.

Maxamad  Cabdi  abaad  oo ah  wasiirka  Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Galmudug  ayaa   uga Mahaceliyay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya  doorkiisa ku Aadan Dadaalada Nabadda  ee bulsho weynta Galmudug  waxana uu sheegay  in wafdiga  Madaxweeynaha  uu  u xilsaaray Hawlaha Nabadaynta  ay ku guulaysteen  in la  dardargaliyo Qorshaha  Nabadaynta  Gobolka galgaduud,   waxaa uu intaa Ku daray in odayaasha  iyo waxgaradka Beelahii  ay isku afgarteen in  loo Hiiliyo  Nabadda  bulshadda

LEAVE A REPLY