Booliska Magaalada dubai ee dalka Imaaraadka carabta oo shaaciyay in Atarishadii caanka...

Booliska Magaalada dubai ee dalka Imaaraadka carabta oo shaaciyay in Atarishadii caanka ahayd ee india Sridevi ineysan u geeriyoon Wadno xanuun (Sawirro & Cadeymo)

0
SHARE

Booliska Magaalada dubai ee dalka Imaaraadka carabta ayaa soo saaray warbixin hordhac ah oo ku saabsan geeridii lama filaanka aheyd ee habeen kore ku timid Atarashiida caanka aheyd ee aflaamta hindiga Sridevi Kapoor.

Sridevi ayaa la sheegay in geerideeda sabab u ahayd hafasho ay ku hafatay biyaha barkad ku dhex tiilay qolka qubeyska hotel Jumeirah Emirates Towers oo ay daganayd ka dib markii ay cabtay khamri ka tan badan.

Baaritaan ay sameeyeen mas’uuliyiinta Dubai ayaa lagu sheegay in Sridevi ay barkadda qubeyska gashay iyada oo sarqaansan, sidaasi darteedna ay ku hafatay markii ay biyihii ka bateen.

Warbixinta ayaa lala wadaagay qoyska iyo waliba qunsuliyadda Hindiya ee Dubai.

Mar sii horeysay waxaa jiray warar sheegaya in uu wadnaha istaagay, waxaana weli la socda baaritaan adag oo ay wadaan Booliska, iyadoo su’aalo la weydiiyey seygeeda Boney kaboor oo ahaa qofkii ugu horeeyey ee albaabka ku jebiyey, meydkeedana dul tagay, waxaa sidoo kale su’aalo la weydiiyey shaqaalaha Hotelka iyo dadkii ay xiriirka la laheyd aktaradan caanka ah.

Booliska ayaa illaa hadda ku sugan qolka ay Sridevi ka degeneyd hotelka, iyagoo halkaas ka wada baaritaano la xiriira sababta ka dambeysay geerideeda, waxayna raadinayaan cadeymo arintaas ku saabsan iyo suuragalimada in fal dambiyeed uu dhacay inkastoo warbixinada illaa hadda soo baxaya sheegayaan in arintan ay aheyd shil.

Meydka atariishadan ayaa loo duulin doonaa sida la filayo maalinta ah beri ah dalka Hindiya, halkaas oo loogu samaynayo aas qaran.

Ra’isul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ka tacsiyeeyay geerida gabadhan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah xiddigihii ugu caansanaa ee aflaamka soo maray qarnigii tagay.

Aktaradan lagu magacaabo Sridevi Kapoor ayaa caan ku aheyd magaca Sridevi, waxaana ay Dubai u tagtay si ay uga qaybgasho arooska wiil ay ilmo adeero yihiin.

Dadwayne aad u badan iyo weriyeyaal ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee guriga ay Sridevi ka degantahay magaaladda Mumbai ee dalka Hindiya, ka dib markii la shaaciyay geerideeda.

Hogaamiyayaasha Bollywood iyo siyaasiyiin oo uu kamid yahay duqa magaalada London ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Sridevi Kapoor.

Sidoo kale jilayaal ay kamid yihiin Aamirkhan, preety Zinta, Rishi Kappor ayaa iyaguna ka tacsiyeeyay geerida Sridevi.

Sridevi Kapoor ayaa in ka badan 50 sano ku soo jirtay jilidda aflaanta, waxaa ayna ka qayb qaadatay 300 filim.

SAWIRKA: Hotelka Jumeirah Emirates Towers oo ay degeneyd Sridevi
Qoraalada Boolisku ka soo saareen sababta ay u geeriyootay Sridevi

Barkada laga soo saaray meydkeeda ee dhex ku tiillay Musqusha qolka ay dageneyd

Sawiradii laga qaaday saacadihii ugu dambeeyey nolosheeda-Arooskii ay kaga qeyb gashay Dubai

LEAVE A REPLY