Daawo Sawirada Midowgiii Galmudug iyo Ahlusuna Kadib Hogaamiyaha Guud ee...

Daawo Sawirada Midowgiii Galmudug iyo Ahlusuna Kadib Hogaamiyaha Guud ee Ahlu Sunna oo si diiran loogu dhoweeyey Dhuusamareeb

0
SHARE

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha ahlu sunna Waljameeca Macalin Max’uud Shiikh Xasan ayaa maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Macalin Maxamuud Shiikh Xasan ayaa ka soo laabtay safaro uu muddo dhowr Bilood ah ku soo marayey wadamo dibada ah.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug uuna ugu horeeyo Madaxa Xukuumada Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo qeybaha bulshada magaalada Dhuusamareeb ayaa si diiran u soo dhoweeyey wafdigan.

Macalin Max’uud Shiikh Xasan Faarax Guddoomiyaha Guud ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa ka mid ahaa xubnihii gacanta wayn ka gaystay Heshiiskii ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo Galmudug.

LEAVE A REPLY