Daawo Sawirada Qoysaska Danyarta ah ee ku Soo Barakacay...

Daawo Sawirada Qoysaska Danyarta ah ee ku Soo Barakacay Hobyo oo Helay Fursadoyin Muhiim ah

0
SHARE

Iyadoo Magaalo Xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ay ku nool yihiin Boqolaal Qoys oo Barakacayaal ah oo u badan Qoysaskii Abaarta ka jirta Dalka ay dhaafisay Xoolihii ay dhaqan jireen ayaa Dowlad Gobolleedka Galmudug waxaa ay wadaa Qorshe wax loogu qabanayo Dadkaasi dhibaateysan.

Guddiga Mashruuca Barakacayaasha Dowlad Gobolleedka Galmudug ayaa Booqday Xeryaha ay ku jiraan Dadka Barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Hobyo,waxaana ay sheegeen in ay Dadkaas u sameyn doonaan Adeegyada aas aasiga u ah Nolasha.

Mashruuca Barakacayaasha Galmudug ayaa sheegay in Qoysaska Danyarta ah loo gadi doono Doonyo ay Ku Kaluumeystaan, islamarkaana loo furi doono Iskuulo wax lagu baro Carruurta Barakacayaasha iyo Isbitaallo Caafimaad intaba.

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo la kulmay Guddiga Mashruuca Barakacayaasha ayaa sheegay in Xukumadda Galmudug ay Garab itsaagi doonto Dadka ay Xooluhu dhaafeen ee ku nool Xeryaha Barakacayaasha Magaalada Hobyo.

LEAVE A REPLY