Daawo Sawirada: Safiirka turkiga iyo Madaxweyne ku xigenka Galmudug oo Gaaray...

Daawo Sawirada: Safiirka turkiga iyo Madaxweyne ku xigenka Galmudug oo Gaaray Hobyo iyo Arimaha Dhismaha Dakada hobyo oo meel wanagsan Maraya

0
SHARE

Wafdi ka socoday Dowladda Turika ayaa manta Gaaray Magaalada Hobyo Dhul Xebeedka Gobolka Mudug’ waxaana Halkaasi ku soo dhaweyey Madaxweyne ku Xigeenka Galmudug, Wasiiro iyo Maamulka Degmada Hobyo

Madaxwayne ku xigeenka Galmudug mudane Maxamed Xaashi Cabdi iyo Safiirka dowladda Turkiga ayaa ka wada hadlay doorka ay turkiga ka qaadan karaan hormarinta Degmoyinka Galmudug, gaar ahaan Degmada Hobyo oo ah magaalo taariikhi ah.

Mr. Oglen ayaa sheegay in turkiga intii karaankooda ah ay diyaar uyihiin ka qayb qaadashada hormarka Degmada Hobyo.

Safiirka ayaa booqday goobo Taariiqi ah oo muhiim u ah nolosha bulshada sida Dekadda oo dhismaheeda uu dhawaan bilaaban doono, xarunta ciidanka Badda, Isbitaalka Hobyo, iyo iskuulka Hoose dhexe iyo Sare. Iyo Garoonka Diyaarahada

LEAVE A REPLY