Deg Deg Shirkadii Dhisi Lahayd Dakada Hobyo Xubno ka Socda oo Hobyo...

Deg Deg Shirkadii Dhisi Lahayd Dakada Hobyo Xubno ka Socda oo Hobyo ku Wajahan

0
SHARE

Waxaa la filayaa in magaalada Hobyo gaaraan wafdi ka socda Shirkad laga leeyahay Dalka Shiinaha oo dhiseysa Dekada Hobyo.

Wafdiga ayaa la filayaa in Hobyo soo gaaraan maanta ama maalinta bari si ay u indheeyaan Dekada Magaalada Hobyo.

Shirkadan laga leeyahay Dalka Shiinaha ayaa soo bandhigtay qaabka loo dhisayo Dekada Hobyo iyo garoonka diyaaradaha oo qaab casri ah.

Magaalada waxaa hada gaaray wafdi kala duwan waxaana la filayaa in ay gaaraan wafuud kale iyadoo ula jeedka yahay qiimeynta Dekada.

Dhanka kale ciidan ka tirsan kuwa Galmudug iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray magaalada kuwaasi oo sugaya amaanka masuuliyiinta la filayo in ay gaaraan halkaasi.

Tan iyo markii madaxweynaha somaliya uu gaaray Magaalada Hobyo waxaa soo bexeysa fursado maalgashi oo magaaladaasi heleyso.

 

LEAVE A REPLY