Dhageyso ,GanacsadeMaxamed Mire Cali oo ka Hadlay Sababta Mareykanka Shirkadiisa uu u...

Dhageyso ,GanacsadeMaxamed Mire Cali oo ka Hadlay Sababta Mareykanka Shirkadiisa uu u Saaray Cunuqabatayn iyo Wararka la Xirira in Isis Somaliya ka dagalanta in uu Tageero

0
SHARE

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihii sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay seddex qof iyo seddex shirkadood oo lagu eedeynayo inay taageeraan kooxda isku magacowdey Dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Shirkadahan iyo dadkan oo ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Filibbiin iyo Turkey, ayaa lagu eedeyay in uu xiriir ganacsi dhex maray kooxda iyo iyaga ,Waaxda lacagaha Mareykanka, ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay cuna-qabateyn ku soo rogtay Abdulpatta Escalon Abubakar, oo lagu eedeyay inuu dhaqaale iyo agabba ugu deeqay kooxda ISIS ee dalka Filibbiin.

Mareykanka, ayaa sidoo kale xannibaad dhaqaale ku soo rogey, Maxamed Mire Cali Yuusuf, iyo shirkadihiisa Liibaan Trading and Al Mutafaq Commercial Company, sababtoo ah bey yiraahdeen doorkiisa ku aaddan taageerada ISIS ee Soomaaliya ,GanacsadeMaxamed Mire Cali ahna Milkiilha Shirkadda Al Mutafaq  ayaa isaga oo ku sugan Imaaraadka Carabta waxa uu sheegay in waxyaabaha lagu soo eedeeyay ay yihiin kuwo aan waxba ka jirin isla markaana ay tahay arin Siyaasadeed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Ganacsadaha isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da.

LEAVE A REPLY