Dhageyso:-Gudoomiyaha Guud Ee Ururka Ahlusuna Oo Iclaamiyay Dagaal

Dhageyso:-Gudoomiyaha Guud Ee Ururka Ahlusuna Oo Iclaamiyay Dagaal

0
SHARE

Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna Wal-Jamaaca ee ku biiray Maamulka Galmudug ayaa kulamo dhinaca Nabada iyo Amniga ah waxa uu la qaatay qaar ka mid ah Bulshada ku nool Gobolka Galgaduud.

Maxamuud Sheekh Xasan Gudoomiyaha Guud ee Culimadda Ahlusuna ayaa waxa uu safar dhinaca dhulka ah ku tegay deegaanada Xanan-buure Bangeelle iyo Huure,isaga oo Bulshada deegaanada kala hadlay sidii deegaanada Maamulka Galmudug ka maqan dib loogu xurreyn lahaa.

Madaxa Warfaafinta Culimada Ahlusuna Muxudiin Cali Jimcaale( Jakuula) ayaa sheegay in Gudoomiyaha guud ee Culimada Ahlusuna uu Bulshada deegaanadaas kula dardaarmay ka Shaqeynta Nabada iyo Amniga  , Waxa uu sheegay in Bulshada Deegaanadii ay wefdigaan tageen ay isla garteen in siwadjir ah looga wada qeyb qaato sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada Gobolka Galgaduud oo ay weli Gacanta ku hayaan.

Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY