Dhageyso:-Maxaa Ka Jira In Ay Fashilmeen Wadahadaladii U Dhaxeeyay Jabhada ONLF Iyo...

Dhageyso:-Maxaa Ka Jira In Ay Fashilmeen Wadahadaladii U Dhaxeeyay Jabhada ONLF Iyo Itoobiya?

0
SHARE

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay wadahadalo u dhaxeeyay Masuuliyiin kala matalaya Jabhada ONLF iyo dowladda Itoobiya six al looga gaaro dagaalka mudo soo socday ee dhexmaray labada dhinac.

Wadahadaladaas oo aan weli ka soo bixin qodobo ayaa hadana Warbaahinada qaar wax ay qorayeen in lagu kala tegay oo uu fashilmay balse waxaa arrintaasi ka hadlay Madaxda Sare ee Jabhada ONLF.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabduqaadir Xasan Hirmooge (Cadaani) oo Wareysi siiyay Radio Dalsan ayaa sheegay in wadahadaladaas ay si KMG ah loo hakiyay kadib markii Guddiga dhex dhexaadinta ahaa ay dalbadeen.

Waxa uu sheegay in Wakiilada labada dhinac kala metalayay  laga dalbaday in ay wadatashi la soo sameeyaan madaxka ka sareysa intaasi kadibna dib la isugu soo laabaan doono.
Hoos ka Dhageyso Codka

LEAVE A REPLY