Dhageyso Shir Jaraid oo uu Goordhaw Qabtay C/Qeybdiid isagoo sheegay in la...

Dhageyso Shir Jaraid oo uu Goordhaw Qabtay C/Qeybdiid isagoo sheegay in la doonayo in la qaarijiyo,

0
SHARE

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee labada Gole ayaa shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay kaga hadlay dhacdadii Ciidamo ka tirsan dowladda ku weerareen gurigiisa 30 bishii December ee sanadkii hore 2017.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in weerarkaas la doonayay in lagu khaarijiyo, isla markaana ciidamada ka dambeeyay ay ahaayeen Ciidamo laga soo amray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo uu maamulo Imaaraadka Carabta, iyagoo kaashanayay Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Waxaa uu sheegay in wali ay jirto qatar ah in la doonayo in khaarijiyo, waxaana uu ugu baaqay Baarlamaanka labada gole in arrintan ka hadlaan, maadaama ay xadgudub ku tahay ammaanka Qaranka. Cabdi Qeybdiid ayaa Sidoo kale uu sheegay inay jirto faragelin qaawan oo shisheeye.

Hoos ka Dhageyso Codka 

LEAVE A REPLY