Mustaqbalka Dakada Hobyo ,Marxaladihii la Soo Maray iyo Rajada Hada la...

Mustaqbalka Dakada Hobyo ,Marxaladihii la Soo Maray iyo Rajada Hada la Qabo ,Xog Xasaasi ah

0
SHARE

mudo dhoor waxaa shacabka Galmudug ay rajo feecan ka qabeen sidii loo dhisi lahaa dekada Hobyo oo ah isha ugu weyn ee heestaan shacabka Galmudug,

Mashruuca dhismaha Dekada Hobyo ayaa soo maray dhoor waji waxana ugu danbeeyay dowlada xasan shiikh maxamuud ee dhacday xiligaasi oo wafdi ka socda dalka Ciraaq ay gaareen Magaalada,

Wararka   ayaa intaasi ku darayay  in dowlada somaliya ay kasoo horjeeday in dhismaha dekada hobyo la bilaabo,

Xiligaasi waxaa dib loo celiyay shirkad laga leeyahay Dalka Shiinaha oo dooneysay in ay dhisto dekada Hobyo isla markana saami ku yeelato,

Heshiiskaasi ayaa xiligaasi loo weeciyay dhanka Ciraaq waxana ka danbeeyay madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdi kariin Xusee Guleyd iyadoo shirkad laga leeyahay dalkaasi ay soo gaartay dekada,

Arimaha ugu muhiimsanaa ee xiligaasi waxaa kamid ahaa in la helo saxiixa madaxweynaha si loo dhiso dekada hase yeeshee madaxweynaha xiligaasi ma uusan saxiixin Dekada,

Rajada xiligaasi ayaa aad uga duwan hada waxana muuqata in dhismaha dekada ay noqoneyso mid dhab ah madama madaxweynaha Somaliya uu isaga laftiisa dhagax dhigay dekada isla markana la kulmay shirakada dhiseyso,

bilaha soo socda ayaa la filayaa in shirkada laga leeyahay dalka shiinaha ay bilowdo dhismaha dekada Hobyo taasi oo dhoor mashaariic ka wada gudaha dalka somaliya oo ay ka heshay saxiixa dowlada somaliya

LEAVE A REPLY