Faah faahino Akhriso Sababta Magalada Dhuusamareeb loogu Xiray Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada...

Faah faahino Akhriso Sababta Magalada Dhuusamareeb loogu Xiray Agaasimihii Warfaafinta Madaxtooyada Maamulka Galmudug+Sawir

0
SHARE

Maxamed Cusmaan Qoofaal  Agaasimihii Warfaafinta  Madaxtooyada Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in ay xireen ciidamada Amniga Maamulka Magaalada dhuusamareeb ilaa iyo hadana aan la ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa.

 Xariga Agaasimaha oo weli aysan ka hadlin Masuuliyiin Maamulka Galmudug balse wax uu ku soo aadaya xili uu Maanta Akhriyay Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf kuna saabsanayd joojinta kala iibsiga dhulalka ku yaal magaalada hobyo ee gobalka mudug
Warar Hoose oo ay Helayso Warbaahinta Hobyomedia.com aya Sheegaya in  amarka lagu xiray Masuulkan uu bixiyay masuul  ka tirsan ururka ahlusuna waljameca gaar ahaan masuul u qaabilsana dhanka warfaafinta waxana sida la shegyo masuulka bixiyay amarkaasi uu dhawaan xusul duub wayn ugu jirtay  helida xilkan madama ururka ahlusuna uu ku biiray maamulka Galmudug
 Sawirka Maxamed Cusmaan Qoofaal Agaasimihii Warfaafinta  Madaxtooyada Maamulka Galmudug
warar aya intasi ku daraya in uu horay u gudbistay codsiyo ku adan qabashada xilkan agaasimaha  ah waxana uu dhawr mar kala hadlay madaxda ururka ahlusuna ee dhuusamareb in xilkaasi isaga loo magacabo madama galmudug ay ka guurtay cadaado oo caasimadeeda ay u soo guurtay xilkaasina uu ku helo awood qaybsiga madama uu isaga horay u ahaa madaxii warfaafinta ee ururkaasi
Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY