Faah Faahino ku Saabsan Afhayeenkii Odayaasha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye oo...

Faah Faahino ku Saabsan Afhayeenkii Odayaasha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye oo Goordhow Geeriyooday

0
SHARE

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo ka tirsanaa waxgaradka ugu caansan beelaha dega Koonfurta iyo bartamaha Somalia ayaa caawa ku geeriyooday Magaalada Muqdisho.

Marxuum Axmed Diiriye oo mudooyinkan ku xanuunsanaa Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ayaa waxaa geeridiisa saxaafada u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa.

Nabadoonka oo ku magacownaa afhayeenka beelaha Hawiye ayaa si weyn loogu xusuustaa doorkii uu ka ciyaaray dagaalkii looga soo horjeeday ciidamadii Itoobiya ee soo galay Muqdisho iyagoo taageerayey dowladii Madaxweyne marxuum C/llaahi Yuusuf dabaqayaaqadii sanadkii 2006-dii, iyadoo mar arintaas loo xiray.

Sidoo kale nabadoon Axmed Diiriye ayaa ka dhex muuqday dedaaladii nabadeed ee lagu heshiininayey qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed sanadahan dambe, iyadoo lagu wado in maalinta beri ah lagu aaso Muqdisho

LEAVE A REPLY