Faransiiska oo Sheegay in ay laga yaabo in uu Weerar ku qaado Siiriya

Madaxweynaha dalka Fransiiska, Emmanuel Macron ayaa ku hanjabay inuu duqeyn doono Suuriya haddii ay caddaato wararka sheegaya in xukuumadda Dimishiq ay dadka rayidka ah u adeegsatay hubka kiimikada.

” Waan duqeyn doonaa goobaha lagu farsameeyo ama laga soo abaabulo hubka kiimikada” waxaa sidaasi yiri madaxweyne Macron.

Madaxweynaha Fransiiska ayaa sidookale sheegay in sirdoonka Fransiiska aysan ilaa iyo imika helin cadeymo muujinaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hub kiimika ah.

Hadalka hogaamiyaha Fransiiska ayaa imanaya xili bishii Janaayo ee sannadkii aynu soo dhaafnay ay soo baxeen warar sheegaya in dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Bashar Al- Asad looga shakiyay inay adeegstaay hubka wax gumaada.

Sagaal qof oo uu naqaska ku dhegay ayaa lagu daweeyay cisbital ku yaala Suuriya, kadib markii bam la rumeesanyahay in laga sameeyay hubka kiimikada lagu duqeeyay magaalo ay maamulaan mucaaradka Suuriya horaantii bishan.

Mucaaradka dalkaasi ayaa dhankooda sheegay in diyaaradaha sida qumaatiga u kaca ee dowladda ay bam ku garaceen magaalada Saraqeb ee ku taala waqooyiga galbeed ee gobolka Idlib, balse dowladda Suuriya ayaa beenisay eedeymaha sheegaya in dad rayid ah ay u adeegsatay hub kiimika ah, waxaana ay intaa ku dartay in aysan bartilmaameedsanin dadka rayidka ah.

Mar uu ka hadlayaya magaalada Paris ee dalka Fransiiska ayaa maadxweynaha dalkaasi waxaa uu hoosta ka xariiqay sida dowladdiisa aysan wax dulqaad ah ugu heynin adeegsiga hubka kiimikada.

Madaxweyne Macron ayaa waxaa kale oo uu sheegay in ahmiyadda koowaad ay tahay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, balse hadii la xaqiijiyo tallaabadan la sheegay in dowladda Suuriya ay ku dhaqaaqday uu Fransiiska qaadi doono tallaabo milateri oo ka dhan ah arrintaasi.

Sannadkii aynu soo dhaafnay madaxweynaha Fransiiska ayaa dhigiisa Ruushka u sheegay in adeegsiga hubka kiimikada ee gudaha dalka Suuriya ay tahay mid Fransiiska uu meel adag ka taaganyahay, haddii ay dhacdana uu jawaab degdeg ah ka bixin doono.

Macron oo jimcihii aynu soo dhafnay khadka taleefonka kula xiriiray Vladmir Putin ayaa waxaa uu ku wargeliyay walaaca dowladiisu ay ka qabto suurtagalnimada ah in dad rayid ah loo adeegsaday hubka wax gumaada.

Sannadkii 2013-ka ayay aheyd markii weerar loo adeegsdaay hubka kiimikada uu ka dhacay meel u dhaw caasimadda Dimqishiq, xiligaasi oo dolwdaha Mareykanka iyo Ruushka ay ku heshiyeen qorshe lagu burburinayo keydka hubka kiimikada muddo sanad ah, balse hey’adda ka hortagga adeegsiga hubka kiimikada ayaa diiwana gelisay in gudaha dalka Suuriya lagu adeegsaday hubkaasi.

. 
   Lahaanshaha sawirkaAFP
Dad naqaska ku dheganyahay

Bishii Apriil ee sannadkii hore, weerar lagu qadaay magaalo ay maamulaan mucaaradka Suuriya oo lagu magacaabo Sheikhoun ayaa waxaa ku dhintay boqolaal qof oo lagu arkay callaamado muujinaya in hubka kiimikada lagu weeraray.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay inay arkeen diyaarado dagaal oo weeraraya magaalada, waxaan xiligaasi soo shaac baxay muuqaalo muujinaya dad u badan caruur oo ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka, kuwaa oo abur kasii deynaya afka. Inkabadan sideetan caruur ah ayaana ku dhimatay weerarka.

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad iyo iyo dowladda ay xulafada yihiin ee Ruushku waxaa ay ku celceliyeen in arrintaasi ay tahay mid aan waxba ka jirin, iyadoo na dowladda Suuriya ay intaa ku dartay inay bartilmaameedsatay oo keliya haamo ay leeyihiin mucaaradka oo ay kujiraan hub kiimika ah.


Shabakada hobyomedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail hobyomedia1@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeyay

Qaraxyadii iyo Weeraradi Shabab oo Keenay in Ciidanka Dowlada iyo kuwa amisom ay is rasaaseeyan Kadib Markii Cidanka amisom ay damcen in xoog ay adeegsadan
- Feb 24, 2018
Ciidamo ka tirsan Nabadsugida iyo AMISOM ayaa caawa fiidkii Iska hor imaad ku dhex ...
Daawo Muqaal ku Saabsan Bilowgii Rajada Dakada Hobyo iyo Dhibkii laga Soo Maray in Hobyo Dakad Mar un loo Sameeyo
- Feb 24, 2018
HM_Xafiiska Gaalkacyo  : Ma sahlana in dakad la Sameeyo marka loo eego Marxalada Dalka ...
Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyadii iyo Weeraradii ka dhacay Muqdisho,Khasaraha oo la Xaqijiyay
- Feb 24, 2018
magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxyo iyo weeraro ay fuliyeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana ...
Daawo Sawirada Meydadkii al shabab oo la Soo Bandhigay Kadib Weearo iyo Qaraxyo ay ka sameyeen Muqdisho
- Feb 24, 2018
Wasaaradda Amniga ee Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in la soo afjaray weerarradii ay maleeshiyo ...
DAAWO: Qaraxyadii Ka Dhacay Muqdisho & Xaalada Caawo ay Tahay Madaxtoyada Somalia
- Feb 23, 2018
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxya caawa ka dhacay halka loo yaqaan ...
Deg Deg Faah Faahino kasoo baxaya Qarax xoogan oo Caawa ka dhacay Meel ku dhaw Xarunta Nabad Sugida
- Feb 23, 2018
Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa abaaro salaadii Maqrib ka dhacay ...
DHAGEYSO:-Wasiir Maareeye”wadahadalka Soomaaliya iyo Somaaliland haddii ay noqdaan mid lagu qiyaanayo Somaaliland aniga D.F.S. waan ka baxayaa”
- Feb 23, 2018
Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha xukumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka ...
Dhageyso Duqa Degmada Hobyo Oo Digniin Ujeeediyay Dadka Hobyo
- Feb 23, 2018
C/llaahi Axmed Cali Faad Guddoomiyha Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa tilmaamay in aysan u ...
Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Turkiga Hakan Çavuşoğlu oo Muqdisho ku Kulmay ,iyo Dowlada Turkiga oo Maalgashi ku Dhawaqday
- Feb 23, 2018
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay, Ra’iisul Wasaare ...
(Daawo Sawirro) Duqeyn naxariis la’aan ah oo weli ka socota Ghouta & dhimashada oo tira beeshay
- Feb 23, 2018
Waxaa laga deyrinayaa xaaladda Magaaladda Ghouta oo muddo todobaad ku dhow duqeyn aan kala ...
Daawo Muqaal ku Saabsan Horumarka Xiligan ka Socda Magaalada Hobyo
- Feb 23, 2018
Magaaalo Xebeedka Hobyo ayaa Waxa Ka Socda Horumar Kaa duwan kuwaasi oo qayb ka ...
Daawo Sawirada : Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la Kulmay Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Siyasiyiin Kadib Geeridii nabadoon Axmed diiriye  , Afhayeenkii Beelaha Hawiye
- Feb 23, 2018
Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galmdug ahmed Ducaale Gele Xaaf ayaa  waxa uu la Kulmay Odayaasha ...
DHAGEYSO: Taliyihii Ciidanka Asluubta soomaliyeed oo ka xog waramay sababta Xilka looga qaaday
- Feb 23, 2018
Taliyihii Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee xilka laga qaaday Xuseen Xasan Cusmaan ayaa waxa uu ...
Warbaahinta Calamka o wax ka qortay sidii lagu bad baadinlahaa Boqorada iyo R/W hore ee Ingiriiska cabsi laga qabo in shabab awgeed
- Feb 22, 2018
Ka dib markii dalka Ingiriiska dhawaan lagu qabtay muwaadin Soomaaliyeed oo ay ku eedeeyeen ...
Madaxweynihi Hore ee Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka Hadlay Sababta Soomaliya ay kaalinta 1aad uga gashay Wadamada ugu Musuq Maasuqa badan ee Soomaliya
- Feb 22, 2018
Madaxweynihii hore ee Galmudug, horena u soo noqday wasiir C/kariin Xuseen Guuleed ayaa su’aal ...
 
Advertisements