Sawirro:-Puntland Oo Sheegtay In Ay Heyso Maxaabiis Al-Shabaab Ah

Sawirro:-Puntland Oo Sheegtay In Ay Heyso Maxaabiis Al-Shabaab Ah

0
SHARE

Ciidamada Ammaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa bilaabay howlgallo amni xaqiijin ah kaas oo laga fuliyay deegaanada ku tedsan Buuraha Calmadoow ee gobolka Bari halkaasi oo Saraakiisha puntland ay sheegeen in ay ku jiraan rag ka tirsan Shabaab iyo Daacish.

Goobaha ugu badan ee howlgallada laga sameeyay ee Gobolka Bari ayaa waxaa ka mid ah Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo, Ceeldibir, Durduri, Harweyn, Karin Xagarood, Madarshoon iyo Diindigle oo Buuraha Cal Madow oo qiyaastii 35-77km ka xiga dhanka Koonfur Galbeed magaalada Bosaso ee gobolka Bari.

Holwgalkaan oo qaatay mudo ka badan Afar Maalmood ayaa Saraakiishu waxa ay sheegen in uu yahay mid ku qotoma sidii Al-Shabaab looga looga saari lahaa deegaanada ay kaga sugn yihiin Buuraha Cal Madow.

Saraakiisha Ciidamada BIS-ta Puntland ayaa waxa ay sheegeen in intii uu howlgalka socday ay Gacanta ku dhigeen tiro ka mid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo loo soo gudbiyey Xabsiyada magaalada Boosaaso si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

Sikastaba Magaalada Boosaso ee Gobolka Bri iyo deegaanada ku dhaw dhaw ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falal lidi ku ah amniga,iyada oo habeen ka hor Saldhiga Bartamaha Boosaaso lagu qaaday weerar ku bilaawday bambaanooyinka Gacanta laga tuuro.

LEAVE A REPLY