Sawirro:- Sanad-Guuradii 1 Aad Ee Doorashadii Farmaajo Oo Ciidamada Dowladda Loo Qeybiyay...

Sawirro:- Sanad-Guuradii 1 Aad Ee Doorashadii Farmaajo Oo Ciidamada Dowladda Loo Qeybiyay Xoolo Nool

0
SHARE

Maanta oo ku beegan 8,da Bisha February waxa ay ku beegan tahay Sanad-guuradii Koowaad ee markii la doortay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaana Siyaaso kala duwan loo sameynayaa Maamusyo Maalintaan.

Xerooyinka iyo furumaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa la geeyay Xoolo Nool,kuwaas oo loo qeybiyay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Askari walba oo ku sugan xerooyinka Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ayaa waxaa la siinayay Hal Neef oo Ari ah.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinayay iyada oo ciidamada Milateriga Xerooyinkooda Muqdisho ku leeyihiin la geeyay xoolo Nool loona qeybinayo.

Lama shaacin xiliga ay ku ekaan doonto qeybinta Xoolaha Nool ee Ciidamada Milateriga balse waxa uu ku soo aadayaa xili isla Maanta Wadooyinka Muqdisho laga howlgeliyay Teendhooyin dadka danta yar loogu fidinayo Gurmad Caafimaad ee lacag la’aan ah.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

LEAVE A REPLY